Inkastoo warbaahinta qaarkeeda baahisay in xalay magaalada Kismaayo uu ka dhacay dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada magaalada ku wada sugan, haddana lama sheegin wax iska hor-imaad hubeysan ah oo magaalada ka dhacay , balse waxaa jira ciidamo kamid isbaheysiga magaalada qabsaday oo arrimo ay ka careysan yihiin u gadooday, haddaba sidee ayey Kismaayo wax uga jiraan, maxayse ciiidamadu qoonsadeen, waa kuweese?.
Qaar kamid ah ciidamada dowladda federaalka taabacsan ee Kismaayo ku sugan oo mid kamid ah beelaha deegaanka ka soo jeeda ayaa sida ay noo sheegeen dad xog-ogaal ah ay is-urursadeen, iyagoo aad u hubeysan, waxayna qoryahooda la koreen dhowr dabaq.
Ciidamadan ayaa ku doodayo in ay rabaan in maamul loo dhan yahay loo sameeyo magaalada iyo in la beddelo maamulkii KMG ahaa ee waqtigiisu dhacay, sidoo kale waxay saluugsan yihiin sida aanu wararka ku heyno habka loo wado dhismaha maamulka gobollada Jubbooyinka.
Waxay ku hanjabeen in ay tallaabo qaadi doonaan haddii dalabaadkooda aanan waxbo laga qaban.
Markii ay daaraha dhaa-dheer koreen waxaa u tagay Col: Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) oo kamid ah madaxa maamulka Kismaayo si uu ugala hadlo cabashadooda, wuxuuna u sheegay in ay goobta ka tagaan. Sidoo kale waxaa u yimid saraakiisha ciidamada Kenya oo kala hadlay waxa ay ka cabanayaan, ugu dambeyn waxay Kenyan-ku ku guuleysteen sida qof magaalada jooga uu noo xaqiijiyey in ay ciidamada goobta ka wadaan.
Waxay saraakiishu shirar gaar-gaar ah oo ilaa hadda socda la galeen saddex mas’uul oo naloogu sheegay in ay hoggaaminayaan ciidamada gadooday, iyadoo aan la ogeyn waxa ay kala hadleen iyo waxa ay ku qanciyeen.
Ciidanka gadooday ayaa ku andacoonayo in ay rabaan isbeddel in ay arkaan iyo in dhaqaalaha ka soo xarooda dekedda Kismaayo loo wada sinnaado.
Xaaladda waa caadi maanta, inkastoo xalay markii dadka shacabka ah ay maqleen ciidamada dabaqyada koray ay cabsi dareemeen oo qof kasta uu niyadda gashtay in magaalada dagaal geli doonto, maadaamaa Kismaayo loo soo joogay in marka kooxa dagaalamayaan ay dabaqyada dhaa-dheer isu koraan.
Si kastaba ha ahaatee waxaa jira khilafaadyo badan oo ka taagan Kismaayo oo intooda badan salka ku hayo arrimaha maamul u sameynta Jubbooyinka oo dadka qaarna soo jeedinayaan in maamulka hadda la dhiso, halka kuwa kalana ay ku doodayaan indib loo dhigo oo marka hore la xoreeyo deegaannada ay Xarakada Al-Shabaab wali heysato.
Gedoweb News Desk
It seems like Beesha Sade are not happy with the new sheriffs in town and are making their demand known by dropping cagdheeres like flies.
