Qarax ka dhacay Magaalada Gaarissa.
Qaraxani oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Gaarisa ee gobolka waqooyi bari dalka Kenya Ayaa waxaa ku dhaawacmay ilaa Afar qof oo Sadex ka mid ah ay yihiin ciidamada Booliiska Waxaana qaraxani saxaafada u xaqiijiyay taliyaha ciidamada Booliiska ee gobolka Waqooyi Bari Inkastoo uusan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Qaraxan ayaa ahaa Bam gacmeed lagu tuuray Gaari ay wateen ciidamada Booliiska oo Habeenkii xalay Roondo ka hayay magaalada Gaariisa ee dalka Kenya waxaana la sheegay in Qaraxa kadib ay ciidamadu fureen rasaas farabadan.
Habeenimadii Jimcihii la soo dhaafay ayaa dad farabadan waxa ay ku dhaawacmeen qarax ka Dhashay Miino lagu aasay xerada Qaxootiga ee Dhadhaab iyadoo dhinaca kalena ay qaraxyo iyo Weeraro kala duwan oo lala bartilmamaeedsanayay Ciidamada Kenya iyo dadka shacabka ahba Ay ka dhacayeen gudaha Wadankaasi.



