Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

SDSI chairman meets with Somalia President

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Adali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10587
Joined: Fri Dec 09, 2011 4:04 pm
Location: Throw me to the hyenas and I will return laughing as the pack leader.

SDSI chairman meets with Somalia President

Postby Adali » Sun Jan 20, 2013 12:15 pm

Image

udomiyaha Ururka SDSI oo Washington kula kulmay Madax u ka mid yahay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh
admin | Jan 19, 2013 | 2 comments


Maalmahaan waxaa magaalada Washington D.C joogay madaxweynaha dawladda federaalka soomaaliya Mudane Xassan Sh.Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dawladda maraykanka, iyadoo sida aan ognahay kulamadi madaxweynaha uu laqaatay dawladda maraykanka gabagabadeedii ay kasoo baxday in dawladda maraykanka ay si rasmi ah u aqoonsatay dawladda soomaaliyal.

Gudoomiyaha ururka SDSI Mudane C/qani Sh.cali Diini ayaa maalmahaan safar rasmi ah ku joogay magaalada Washington D.C si uu ula kulmo madaxda dawladda si uu ugu gudbiyo fikirka uu qabo ururkaan oo uu guud ahaan kaqabo dawladda federaalka,dhismaha maamul u samaynta gobolada jubooyinka iyo guud ahaan horumarinta deegaamada nabadda ah.

Ugu horayn wuxuu gudoomiyuhu lakulmay wasiirka arimaha dibadda Fawsiyo Yusuf X.Adan oo ay guud ahaan isla soo hadalqaadeen xaaladda guud ee dalka waxa uu gudoomiyuhu ka mahadceliyay dadaalka ay wasiiraddu ku bixinayso in ay dib u soo celiso hantidii qaranka uu lahaa iyo waliba sida ay uga go antahay inay dib u dhisto safaaradihii dawladda soomaaliya ay ku lahayd caalamka,gudoomiyuhu waxa uu si gaar ah u tilmaamay in dawladdu ay caawiso gacana siiso dhalinta dib loogu soo celinayo dalka soomaaliya iyagoo danbiyo kasoo galay dalalkii ay ku noolaayeen ayna ku adagtahay sidii ay ugu noolaan lahaayeen dalkoodii hooyo maadaama ay iyago yar katageen.

waxa uu gudoomiyuhu sidoo kale lakulmay wasiirka Warfaafinta,isgaarsiinta iyo gaadiidka mudane C/llahi Ciilmooge Xirsi oo ay sigaar ah uga wada hadleen sidii maamul loogu samayn lahaa gobolada jubooyinka waxa uuna wasiirku sheegay in dawladda ay federal tahay lana dhisi doono maamulada dalka dadka deegaanka jubooyinka dagana ay lagama maarmaan tahay in si xaq ah oo xor ah ay maamulkooda u dhistaan dawladuna ay gacan siinayso kuna taageerayso sidii ay maamulkaas u dhisan lahaayeen.

Ugu danbayntii waxa uu gudoomiyuhu lakulmay Madaxweynaha Dawladda federalka mudane Xassan SH.Maxamuud oo ay si guud ugawada hadleen xaaladda dalku marayo, sida dadka qurbajoogta ah ay dib ugu noqon lahaayeen dalkoodii una caawin lahaayeen dadkoodii dibna ugu dhisi lahaayeen dalkoodii, waxa uu gudoomiyuhu si gaar ah ugala hadlay madaxweynaha sida ugu sahlan oo maamul loogu dhisi lahaa gobolada jubooyinka iyo sidii loo caawin lahaa deegaamada nabadda ah oo aan maamul goboleedyo lahayn waxa uu madaxweynuhu balan qaaday in dawladdu ay wax ka qabanayso deegaamadaas ugu horayna ay ka dhisi doonto Iskool lacag la’aan ah,goob caafimaad,xaruntii gobolka,ceelbiyood iyo dhismaha booliskii degmada, waxa uu gudoomiyuhu si gaar ah uga codsaday madaxweynaha sidii ay dawladdu gacan uga gaysan lahayd una dhamaystiri lahayd Garoonkii diyaaradaha ee magaalada G/harey taasoo madaxweynuhu uu ka raja galiyay gudoomiyaha.

Gabagabadii waxa uu gudoomiyuhu intii uu joogay magaalada Washington D.C kula kulmay safiirka turkiga u fadhiya dalka maraykanka mudane Namik Tam oo ay kawada hadleen sidii dawlada turkiga ay u caawin lahayd deegaamada uu maamulo ururka SDSI sida ay u caawisay una dhistay deegaamada kale waxa uuna balanqaaday wixii gacan ah oo uu ka gaysankaro inuu ka gaysanayo.

waxaa cad in ururkaan uu u taaganyahay horumarka deegaamada uu kasoo jeedo taasoo aad arkayso sida ay uga go antahay ururkaan in waqti iyo dhaqaalaba ay u huraan in ay dib u dhisaan deegaamada ururku ka taliyo iyadoo aan la iska indha tiri Karin guusha ugu weyn iyo wax qabadkii ururka sanadkii lasoo dhafay laguna xasuusan doono dhismaha garoonka diyaaradaha Magaalada c/waaq oo kumanaan qof ay durba manaafacaadsadeen taasoo ka dhalatay wafti uu hogaaminayay Gudoomiyaha ururka C/qani sh.cali Diini oo sanadkii lasoo dhaafay tagay magaalada c/waaq daraasadna ku soo suubiyay baahida deegaanka ka jirtay taasoo ay ugu weynayd baahidii loo qabay garoonka diyaaradaha ilaahay fadligiisa ay ku suurta gashay in ladhiso garoonka manta.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest