Meanwhile in Garbahaaray where Aw Libaax, Fartaag, Bille Cabdulle (rer Hassan the political chairman of the Sade elders in Kismaayo), the mayors of Beled Xaawo, Dollow, Luuq, Ceel-waaq and others are meeting with the Sayid/Kalil faction preliminary reports are showing that Sade has in principle agreed to support Jubbaland conference united.
Wararki ugu danbeyay ee shirarki Garbaharey iyo Kismaayo.
Wararka naga soo garay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in Shirki Maamul usameynta Jubboyinka u dib u dhac ku yimid.
Dib u dhacaan ku yimid Shirka Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ayaa waxaa la sheegaya in ay ka danbaysay ka dib marki ay soo dib dhaceen Ergoyinki laga sugayay Gobolka Gedo iyo Madaxdi Dowlada ka socotay oo aan wali ka soo jawaabin casuumadi lo fidiyay.
Dhanka kale waxaa wali magaaalada Garbaharey ee Xarunta Gobolka Gedo ka socda Shir Xasaasi ah oo ay iskugu yimadeen Siyaasiyiinta Beesha Sade ee Jubboyinka iyo Gedo waxana shirkaasi diirada lagu sarayay sidii Siyaasiyinta Gobolka Gedo ay wadajir uga qayb qadan lahayeen Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
Shirkaan oo hada socda 12 saac oo xirrir ah ayaa waxaa laga soo sheegaya Natijooyin hordhac ah kuwaas oo tilmaamaya in dhinacyada ay ku heshiyeen in ay si wada jir ah uga qayb qataan Dadaalada maamul usameynta jubboyinka iyo Gedo.
Marka uu wada hadalkaani soo dhamaado ayaa waxaa lagu wada in dhinacyada ay si wadajir ah ula hadlaan saxafada isla marakana ay soo bandhigaan qodobadi ay ku heshiyeen.
————————————————–
Shariif Axmed
Kismaayo24.com