This is inline with the sequence of events told by Voltage in the topic.
viewtopic.php?f=26&t=323113
http://www.allpuntland.com/2010/anmview ... a=1435&z=1
Axmed Madoobe oo ka hadlay Dagaal ka dhacay Kismayo
25. februar 2013
Guddoomiyaha ku merel gaarka ah ee maamulka Kismaayo iyo Jubbooyinka ayaa wuuxuu ka hadlay dagaaladii maalin ka hor ka dhacay Magaalada Kismaayao ee xarunta Gobalka Jubadda hoose.
Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in ciidamada dagaalamay uusan isaga raad ku laheyn sidoo kalena ciidankiisa aysan kamid aheyn kuwa dagaalamay waxaana uu sheegay inuu aad uga xun yahay dagaladaasi.
Isaga oo ka hadlay kulan ka dhacay Hoteelka Tawakal ee Magaalada Kismaayo halkaasi oo ay isugu yimaadeen saraakiisha raaskaambooni iyo kuwa Dowladda ayaa wuxuu sheegay inuusan raad ku laheyn dagaalkaasi.
Axmed Madoobe ayaa masuuliyada dagaalkii ka dhacay Magaalada Kismaayo wuxuu dusha kaga tuuray inuu ka dambeeyay Ismaaciil Saxardiid oo ah taliyaha ciidanka xooga dalka ee Jubbooyinka.
Dagaalkii ka dhacay maalin ka hor xaafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku tilmaamay mid aanan raali laga aheyn.
Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya iyadoo maanta wafdi kasocda xukuumadda Soomaaliya ay u ambabaxeen Magaalada Kismaayo halkaasi oo waan waan ay doonayaan inay ka dhexbilaabaan.






