Dhagayso:- Diyaad Cabdi Kaliil oo soo dhaweeyay Maamulka Axmed Madoobe
May 21, 2013 -
Diyaad Cabdi Kaliil oo kamid ah Saraakiisha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ayaa soo dhaweeyay Maamulka Jubbaland ee dhawaan loo doortay inuu Madaxwayne ka noqdo Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Waxaa uu sheegay inuu soo dhawaynayo Maamulka Axmed Madoobe isla markaana uu yahay nin in badan uso halgamay deegaanka, isagoona ku tilmaamay raga kale ee shegtay Madaxwaynaha Jubbaland inay lamid yihiin ragii horay iskaga sheegay jiray Madaxwaynayaasha isla markaana aysan wax micno ah soo kordhin doonin.
Wuxuu ugu baaqay in Maamulka Cusub ee Axmed Madoobe uu ka shaqeeyo deegaanada loo magacaabay isla markaana uu dadka si Cadaalad ah ugu adeego.
Kismaayo ayaa waxaa ku sugan ku dhawaad ilaa 5 Madaxwayne rag sheegtay waxaana ugu Miisaan Culus Coll Barre Hiiraale oo kamid ahaa ragii horay kismaayo u maamuli jiray iyo Sheekh Axmed Madoobe oo ahaa Hogaamiyihii Jabhadda Raaskambooni iyo Maamulkii KMG ahaa.
http://saadaalnews.com/2013/05/21/dhaga ... d-madoobe/