Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Kenya vs Pres. Hiiraale pt 2

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
TheAspiringMufti
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 394
Joined: Thu May 09, 2013 4:42 pm
Location: The genius Hyuuga Neji will never be forgotten!

Kenya vs Pres. Hiiraale pt 2

Postby TheAspiringMufti » Fri May 24, 2013 10:05 pm

So kenya refuses to provide security for the Somali government delegation that arrived in Kismayo. Barre responds adequately by saying we don't need Kenyans to protect our citizens, I will be responsible for their security. In other news, constitional committee member is preparing a draft/motion to be submitted to the Somali parliament requesting the complete removal of Kenya from AMISOM and subsequently her troops. Things are getting interested and it looks like theres finally light at the end of the tunnel.
Kismaayo (AGGM) Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Jubbaland Col Bare Aadan Shire ” Bare Hiiraale ” ayaa jawaab kulul ka bixiyey hadal ka soo yeeray ciidamada dawladda kiiniya kaasi oo ku aadanaa inaysan amaanka xildhibaanada ,wasiiradda iyo xubnaha kale ee ka socda dawlada kmg ah ee soomaaliya aysan ka masuul ahayn.

Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Aadan Shire ” Hiiraale ” oo arrintaasi ka jawaabay ayaa sheegey in weftiga dawlada soomaaliya yihiin muwaadiniin soomaaliyeed isla markaasna aysan ciidamada dawlada kiiniya ugu hanjabi karin inaysan amaankooda masuul ka noqon karin,waxaana uu sheegey in hadii weftiga dawladu u baahan yihiin in amaankooda la sugo uu isagu qaadayo inuu amaankooda sugo.

Sidoo kale waxaa uu sheegey in markii ciidamada dawlada kiiniya ay arrintaasi soo gaarsiiyeen weftiga dawladda soomaaliya uu ciidamo u direy huteelkii ay joogeen isla markaasna uu amaankooda la wareegey,waxaana uu daboolka ka qaadey in markii ciidamada dawlada kiiniya ogaadeen in amaankooda ay la wareegeen ciidamada Jubbaland oo isaga ka amar qaataa ay raali gelin ka bixiyeen isla markaasna ay sheegeen in khalad dhacay ayna weftiga dawlada ka raali galinayaan.

Col Bare Aadan Shire ayaa sheegey hadda ciidamada kiiniya dib ula wareegeen amaanka weftiga dawlada isla markaasna uu ciidamadii ilaalada uu ahaa uu u direy saldhigyadooda,waxaana uu sheegey inaysan xubnahani yihiin muwaadiinin soomaaliiyeed oo xaq u leh in amaankooda la sugo isla markaasna waxaa uu xusay inay markasta diyaar u yihiin inay amaankooda sugaan hadii ay dareemaan amaan darro.

Dhinaca kale Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka soomaaliya kuna sugan magaalada kismaayo ayaa aarrintaasi ka hadlay,waxaana uu eedeyn u jeediyey dawlada kiiniya,waxaa kale oo uu ku eedeyey inaysan ciidamada kiiniya nabad ilaalin u joogin dalka soomaaliya,waxaana uu carabka ku dhuftey inay diyaarinayaan dhawaan mooshin ka dhan ah ciidamada kiiniya ee magaalada kismaayo jooga.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Aadan Shire ayaa si adag uga hadlay talaabada ciidamada kiiniya qaadeen,waxaana uu sheegey inay ku tunteen sharcigii u degaanaa ciidamada nabad ilaalinta ah ee ku sugan gudaha dalka soomaaliya,waxaana uu sheegey inaysan kismaayo nabad ilaalin u joogin ciidamadaasi.

Saleebaan Guuleed Warsame

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests