Tan iyo markii ay ciidamadii ugu badnaa ee hortaagnaa cadowga Al-Shabaab ay ka baxeen Jiidda Hore difaaca gobolka Gedo, waxaa Walaac ka muujiyey arintaas shacab waynaha Reer Gedo, kana codsaday in Ciidamadaasi inay ku noqdaan goobahoodii, Dowladda Somaliyana ka codsaday inay faraha kala baxdo arinta Gobolka Gedo oo aad moodo in loo doortay kaliya fara galinta Shacabka Gedo
Magaalada G/haarey oo ah jiidda hore ee difaaca ciidanka Gedo waxaa iminka ku soo haray ciidan yar oo u badan kuwa Ehlu-Sunna. Lama garanayo sida ciidankani ay isaga caabin doonaan haddii ay Al-Shabaab soo weeraraan.
Waxgaradka Gobolka Gedo ayaa baaq u diray in Ciidanka Col Sareey ay fiiriyaan danta shacabkooda, iskana indha tiraan hagardaamada Dowladda Somaliyeed.
Waxay waxgaradkani codsadeen in ciidanku ay dib ugu laabtaan, goobahoodii, arinta muranka dhalisayna si is afgarad ah lagu dhameeyo.
Lama garanayo sida ay Saraakisha Sare ee ciidankaasi uga jawaabi doonaan codsiga shacabka iyo waxgaradka Gedo.


