Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Committee of Sade intellectuals & Kaliil discuss in Xamar

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
BuuloXubeey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1122
Joined: Sat Sep 07, 2013 12:18 pm

Committee of Sade intellectuals & Kaliil discuss in Xamar

Postby BuuloXubeey » Tue Oct 08, 2013 4:36 pm

20 members of the Sade intellectuals that were created December 2012 for nation building role and politics of Beesha Sade in general had a meeting with the governor of Gedo Kaliil and some Sade elders and technocrats. These 20 members have solid interaction with the Federal government including the president and prime minister.

Ex MP and currently one of the advisor for Prime Minister Saacid....Mahamud Sayid summarizes the meeting



They discussed the following:

1. Beesha Sade situation regards to Nation building roles
2. Beesha Sade role and businesses and power in the capital city
3. Beesha Sade unity in general (politically and guurti)
4. Situation in Gedo and improvements
5. Upcoming Beesha Sade conference in Gedo to unite Beesha Sade
6. Beesha Sade role in federal system regards to Jubbaland
7. Situation in Galgaduud and improvements
8. Condoning some of the Sade MP's
Guddoomiyaha gobolka Gedo Mudane Maxamed Cabdi Kaliil ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho gudiga beesha Sade ee gobolka Banaadir, waxaana ay ka wada hadleen arimo badan oo ku saabsan xaalada gobolada ay beeshu dagto iyo siyaasadaha dalka gaar ahaan kuwa Jubbooyinka.
20131008_022714
Maxamed Cabdi Kaliil oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa ku ammaanay gudiga beesha sade ee gobolka Banaadir howsha wanaagsan ee ay hayaan ,isagoona tilmaamay gudigani inuu waxbadan ka qabtay xaaladaha beesha ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ku baraarujiyay gudiga dhinacyada kale ee Siyaasiyiinta beesha inay la kulmaan isla markaana ay ka wada hadlaan sida ugu haboon ee dalka loo horumarin karo gaar ahaan deeganada ay beeshu dagto.
Wuxuu sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Gedo Mudane Maxamed Cabdi Kaliil warbixin dheer ka siiyay gudiga xaalada gobolka Gedo iyo sidoo kale shirar kale oo uu uga qayb galay dalka Biljamka.
20131008_035010Ex-xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan ahna La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee arimaha gobolada Koonfur galbeed Soomaaliya oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday sida loogu baahan yahay inay beesha sade yeelato Hoggaan midaysan iyadoona qaar ka mid ah dadkii kulanka kasoo qayb galay ay su’aalo ku saabsan arimaha Siyaasada gaar ahaan maamul u samaynta gobolada dalka ay wax ka waydiiyeen.
Halkaan ka dhageyso hadalkii uu Maxamuud Sayid kulanka ka jeediyay
Guddoomiyaha gudiga Beesha sade ee gobolka Banaadir Sheekh Cabdi Haraari oo isna hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay inay soo mareen marxalado adag oo kamid ahayd dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo oo qaar kamid ah dhaawacyadii dadkii ku waxyeeloobay magaalada Muqdisho la keenay kuwaasoo masuuliyadoodu ay korka ka fuushay isla markaana aysan dowladdu wax muuqda kala qaban.
Sheekh Cabdi Haraari ayaa ku dhaliilay Xubnaha xildhibaanada Beesha Sade ee ku jira dowladda federaalka Soomaaliya wax qabad la’aan isagoona xusay inaysan ka helin wax wada shaqayn ah intooda badan.
Haraari ayaa tibaaxay dhawaan inay bilaabi doonaan Quran ay akhrisanayso beesha Sade iyadoona dhaqaalihii ugu horeeyay ee quraankaasi lagu bilaabayo uu madasha uga dhawaaqa Gudoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.
Dhanka kale Kulankii maanta ayaa lagu dhaliilay qaar ka tirsan Xubnaha barlamanka Soomaaliya ugu jira Beesha Sade kuwaasoo la sheegay inay Hormuud u yihiin mooshin la sheegay baryihii ugu danbeeyay inay wadeen Xildhibaano ka tirsan baarlamanka Federaalka Soomaaliya kuwaasoo doonayay inay ku ridaan Xukuumadda uu Hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
Kulanka markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa ka waraysi la yeelanay Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan kaasoo faah faahin ka bixiyay waxyaabihii ay labada dhinac isla soo qaadeen.
“Sida aad arkaysay waxaan la kulanay gudiga beesha sade ugu magacaaban gobolka banaadir kasoo la dhisay sanadkii hore gudigaan oo iskugu jira siyaasiyiin, aqoonyahano iyo gabdhaba, waxaana kala hadlaynay maadaama aan in mudo ah joognay xamar haddana aan go’aan sanay wafdigeenii Gedo ka yimid inaan dib u laabano si howlihii aan halkaasi ka wadnay mudada ku siman Afarta sano iyo badhka dib u bilowno. Waxaana gudiga kula balanay inay kasoo qayb galaan shir wadatashi ah oo beesha loogu qaban doono Gedo iyaguna isku xirnaadaan iyagoo kaashanaya Xildhibaanada iyo Xukuumadda iyo cid walba oo qayb ka qaadan karta midnimada iyo waxqabadka ummada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan.
Kulanka ay manta ku yeesheen magaalada Muqdisho Masuuliyiinta maamulka gobolla Gedo iyo gudiga Beesha sade ee gobolka Banaadir ayaa qayb ka noqonaya kulamo isdaba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay uu Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil la qaadanayay Qaybaha kala duwan ee kasoo jeeda gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.
Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

User avatar
Sheikh Mustafa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1262
Joined: Sat Jul 19, 2008 2:40 pm

Re: Committee of Sade intellectuals & Kaliil discuss in Xama

Postby Sheikh Mustafa » Tue Oct 08, 2013 4:44 pm

Beesha Sade waa in ay Wax kaqabtaan Calooshi Ushaqayste Fartaag.

User avatar
Bermooda
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1675
Joined: Fri Jul 19, 2013 1:23 pm

Re: Committee of Sade intellectuals & Kaliil discuss in Xama

Postby Bermooda » Tue Oct 08, 2013 7:09 pm

Beesha Sade waa in ay Wax kaqabtaan Calooshi Ushaqayste Fartaag.
The guy is standing in the way of Sade power in Jubba it is time they told him he either rejoins them or face a public disownment :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests