I can't wait for these apes to leave our land. Kenya and Ethiopia should had never gotten involved in the AMISOM mission. From day 1 neighbouring countries weren't allowed to participate, and this was a condition that was put in 2007.
Wararka inaga soo gaaraaya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, ayaa waxay sheegayaan inay ka aloosan tahay xiisad u dhaxeyso Ciidamada Dowladaha Somaliya iyo Kenya.
Tani, ayaa waxay ka dambeysay markii daba yaaqada bishii December dalka Kenya lagu xiray Taliyaha Ciidanka Dowladda Somaliya ee Gobolka Gedo Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey.
Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda ee ku sugan Degmada Ceelwaaq, ayaa waxay ka caroodeen xariga ka dhanka ah Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey.
Korneyl Aadan Axmed Xersi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo, ayaa sheegay inaan la aqbali karin hab dhaqanka khalafsan ee Dowladda Kenya.
Korneyl Aadan Rufle, ayaa sidoo kale sheegay inay suurta gal tahay in Degmada Ceelwaaq, ay ku wada dagaalamaan Ciidamada Dowladda Somaliya iyo kuwa Kenya, oo qayb ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee Amisom.
Saraakiisha Amisom iyo Dowladda Somaliya, ayaa waxaan jirin wax war ah oo ay ka soo saareen, xiisadda ka dhalatay xariga loo geystay Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey.
http://universalsomalitv.net/infusions/ ... omali_6508