http://kismaayopost.com/?p=6959
Waxaa weli magaalada Garbahaarey ka soconaya dayactirka Isbitaalka weyn ee magaaladaas Garbahaarey oo horey u bilowdey bishii Febraayo sanadkii tegay ee 2014 ka, kaasoo haatan uu dayactirkiisu marayo heer geba-gaba ah.
Haddaba si loo dhameystiro hawsha dayactirka ah ee Isbitaalka ayaa waxaa loo baahan yahay in la helo taageero dhaqaale, taasoo looga fadhiyo inay gacan u fidiyaan dhammaan Jaaliyadda ku abtirsato deegaanka ay haatan ka socoto hawsha dayactirka ah.
Waxaa aan marnaba suurtagal ahayn in ay sii socoto ama la dhameystiro hawsha dayactirka ah, haddii aan la helin taageero dhaqaale oo lagu sii wado, sidaa awgeed ayaa dhammaan Jaaliyadda ku abtirsato deegaanka ay ka socoto hawsha dayactirka ah waxaa loogu baaqayaa in ay isu xilqaamaan oo gacan buuxda ka geystaan.
Agaasimaha Dayactirka iyo hawl-gelinta Isbitaalka Garbahaarey Luul Maxamed Aadan (Saaqo) oo haatan ku sugan magaalada London oo aan wareysi kala yeeshey halka uu marayo dayactirka Isbitaalka iyo dhaqaalaha ku bixi kara, ayaa ii sheegtey in hawsha dayactirka ah ee Isbitaalka ay ka kooban tahay laba qeybood, kuwaas oo qeybtii ugu weyneyd ay haatan geba-gaba tahay, hase yeeshee ay weli dhimman tahay qeyb labaad oo yar oo aan dayactirkeeda weli la bilaabin.
Waxaa sidoo kale ay Agaasimuhu ii sheegtey in hawsha dayactirka ah ee illaa hadda la qabtey ay ku baxdey lacag gaaraysa 120 kun oo Dollar, hase yeeshee guud ahaan inta ka hartey dayactirka iyo qalabeynta isbitaalka iyo hawl-gelintiisa ay ku bixi doonto 260 kun oo Dollar, taasoo guud ahaan kharashka ku baxaya ka dhigeysa 380 kun oo Dollar.
Waxaa xaqiiq ah oo in la xuso mudan oo aan qormadaan ku sheegayaa in marka la dhammeystiro hawlaha ka socdo isbitaalka, uu Isbitaalku noqon doono kan ugu quruxda badan uguna weyn Koonfurta Soomaaliya, marka laga reebo magaalada Muqdisho, kaasoo haddana kharashka ku baxay aaney jirin hey’ad caalami ah iyo dawlad gacan ka geysatey ee uu yahay mid dhaqaalihiisa ay bixiyeen qaar kamid ah Jaaliyadda Sade ee gudaha iyo dibadda.
Dhinaca kale waddanka Denmark ayaa Isbitaalka waxaa uu ugu deeqey qalab isagu jira noocyo kala duwan, kaasoo aad sawirada ka dheehan doontaan.
Qalabkaan oo bilihii u dambeysey gaarey magaalada Garbahaarey ayaa waxaa laga qaadey isla waddanka Denmark, kaasoo ka degey Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ugu dambeyna loo sii gudbiyey magaalada Garbahaarey.
Ugu yaraan 20 kun oo Dollar ayaa ku baxdey jid-marinta ama safrinta qalabkaan, kaasoo ay bixiyeen qaar kamid ah Jaaliyadda beesha Sade ee qurba-joogta ah.
Qalabkaan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee usoo dego Isbitaalka, kaasoo wax weyn ka tari doona hawl-gelinta Isbitaalka, haddii Eebbe idmo oo la dhameystiro dayactirkiisa.
Waxaa weli loo baahan yahay qalab aad u badan oo isagu jira noocyo kale duwan, kaasoo ay ku bixi doonto lacag aad u badan, waxaanna laga xusi karaa, sida Gaadiidka Gargaarka degdega ah (Umbulance), Raajooyinka, Sheybaarada, qalabka afka qalaad loogu yeero Scan-ka iyo waliba noocyo kale oo qalab ah oo badan, kuwaasoo dhammaanba aan looga maarmin hawl-gelinta Isbitaalka si uu qabto hawlihii caafimaad ee la rabey.
Si kastaba ha ahaatee dayactirka Isbitaalka iyo qalabeyntiisa si loo hawl-geliyo oo uu qabto hawlihii caafimaad ee la rabey ayaa waxaa la oran karaa waa hawl aad mihiim u ah oo ay tahay iney u istaagaan dhammaan Jaaliyadda ku abtirsato deegaanka ay ka socoto hirgelinta hawshaan ballaaran, taasoo ah hawl gacan laga geysto midda ugu kheyrka badan.