Postby DawladSade » Sat Aug 19, 2006 11:20 pm
Who lives in Ceel-Cade?? reer Garaad?
There's also an airport being built in Dollo
Garoon Diyaaradeed Oo Dhawaan Laga Hir Giliyay Deegaanka Dooloow Oo Lagu Wado In Uu Howl Bilaabo.
August 18- 2006 Horn Afrik, Mogadishu , Somalia .
Howlo lagu furayo garoon cusub oo ay hay`adda Care ka hir gilisay degmada Dooloow ee gobalka Geddo ayaa halkaasi ka soconaya.
Dadaalkaan oo ay garwadeen ka yihiin saraakiil dhanka amanaka u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo maamulka degmadaasi ayaa wararka ka soo baxaya waxa ay sheagayaan in kulamo ay umuurtaasi ka yeesheen wax garadka iyo saraakiisha deegaanka uu ku soo gabagaboobay is afgarad wanaagsan
Mid ka ka mid ah saraakiisha QaramadaMidoobay ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in howshaan l;agu guuleysto maalmaha soo socda .
Garoonkaan cusub oo hay`adda Care dhawaan ay ka hir gilisay deegaanka Dooloow ayaa la filiyaa in uu saldhig u noqdo duulimaadyada diyaaradaha Qaramada Midoobay.
Duulimaadyada iminka diyaarahada Qramada Midoobay ku tagaan gobalka Geddo ayaa waxa ay ku tagaan garoonka weyn ee magaalada Garbahaarey.
Dadaalkaan ayaa waxaa soo dhaweeyay bulshada rayidka ee ku dhaqan deegaanada gobalka Geddo oo ku tilmaamay talaabo horay loo qaaday oo ku dayasho mudan .