Colaaddii u dhexeysay beelaha R/Xasan iyo C/Dheere oo lasoo af jaray.
Colaaddii soo jitamaysay muddada 8-bilood ah ee u dhaxaysay labadaa beelood ee walaalaha ah, ayaa 28-kii bishii April lagu soo afjaray Tuulada RAYS QODE ee ka tirsan degmada G/haareey ee G/Gedo.
colaaddaas u dhaxaysay labada beelood oo ka billaabatay dil ka dhacay degmada B/Xaawo oo loo gaystay nin ka tirsan beesha R/ xasan iyo dilal kale oo ,aar goosi ah oo ka danbeeyey kana kala dhacay B/Xaawo iyo LUUQ GANAANE.
Shirkaas oo ay goob joog ka ahaayeen waxgarad ka kala socday degmada garbahaareey iyo hamadda samafalka ee NCA, ayaa lagu go,aansada.
1-In la,isu tuuro labadii dil ee ka dhacay B/Xaawo.
2-Waxaa gacanta loo galiyey Beesha C/Dheere gacan ku dhiiglihii gaystay dilka ka dhacay D/LUUQ, wareejintaas kadib waxay labda beelood isku waafaqeen in la kala qaato mag Muqallada ah oo lagu bixinayo muddo 60 cisho ah iyo gabar godobreeb ah.
3 in la dhawro wada noolaanshaha iyo is dhex galka dadaka walaala ah , lana xoojiyo guud ahaan ammaanka.
Odayaasha ka kala socday labda beelood ee saxiixay go,aannada.
Beesha CALI DHEERE.
1- Ugaas Sh/Axmed Maxamed (Xaadle).
2-Nabadoon Macallim Cabdi Colaad.
3-C/raxman Madeey MAXmoud.
4-Cabdi Gureey Xareed.
6-Idriis Cabdi Aaden.
7-Xasan Ismaaciil galllayr.
Beesha R/Xasan.
1- Ugaas Maxamed Xasan Yaroow.
2-SHeekh Cali oorad
2-Faarax Xasan Yaroow.
Gedoweb, Baled Xaawo
Afgooyye





