In door ah ayey reerkoodu qaxooti ku ahaayeen Baasuuriye halkaas oo uu Shiikhu ku dhamaystay tacliintiisii dugsiga sare. Sida Ina Laadin, Sheekhu wuxuu dhashay 1960. Xafiiska talada ee Xizbullaah-na wuxuu Sheekhu la wareegay 1992dii.
Haddii aan intaa ka niri Sheekh Xassan Nasrallaah, aannu is-weydiinno maxay caawa uga duwan tahay habeennadii carbeed ee 40kii sanadood ee na dhaafay.
Gegida diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Rafiiq Xariiri weeye goobtu. Waxaa taagan Michel Suleiman (Madaxweynaha Lubnaan) Raysal-Wasaare Fu'aad Senura, Afhayeenkii Baarlamaanka Lubnaan, Wadaaddo badan oo shiico ah iyo kuwo badan oo masiixiyiin ah oo dhamaantood reer Lubnaan ah. Sacad Al-Xariiri oo uu dhalay Rafiiq Al-Xariiri waa taagan yahay. Safaaradaha Carbeed oo Lubnaan ku sugan oo dhan, midda Iiraan iyo tanJarmalka, iyo marti-sharaf tiro badan ayaa xaadir ah. Waxaa la sugayaa in ay cagaha soo dhigaan diyaarado saddex ah oo qunyar-dega (helicopter) ah oo sida maxaabbiistii Carbeed: Samiir Al-Qundhaar oo xirraa (29) labaatan iyo sagaal sano iyo afar maxbuus oo kale oo uu isagu hareeyey.
Diyaaradihii ayaa soo caga-dhigtay qaddar 20-daqiiqo ah ka dib markii ay ka soo duuleen magaalo xudduudda koofureed ee Lubnaan ku taal.Shantii maxbuus (oo markaa xor ah) oo lebbisan dharkii ciidamada Lubnaan ayaa mid mid u soo degay.
Waxaa khudbad xamaasad leh meeshaa ka jeediyey culimo badan oo shiico ah iyo madax-weynihii Lubnaan, Michel Sulaymaan. Hadallo badan oo tahniyado ah oo meesha laga jeediyey ka dib, waxaa makaroofanka lagu maamuusay Samiir Al-Qundhaar. "Waxaan ka imid Falastiin si aan ugu noqdo Falastiin." iyo "Wax-iska-caabbintu waa ay jireysaa, dadka iyo magacyadooda keliya uun baa is beddelaya, cadawga qashiinka uhuna wuu jabi doonaa." ayaa hadalladii samiir oo la xiray isagoo 17 jir ah ka mid ahaa.
Qaddarkaas yar ka dib waxaa meel ciriiri ah ka soo baxay dabley itaallo dhaadheer oo dhawr ah oo sidata hub ay koorarkooda ku qarsanayeen. Dableyda dhexdooda ayaa waxaa xaluushay uu muuqaalkiisu abuuray dareen farxad iyo fajacba leh. Oo waa kuma ninkaasu? Waa Libaaxii gordanaa. Waa Halyeygii dhiirranaa. Waa curad-ku-xigeenkii Carbeed? Waa Sheekh Xassan Cabdulkariim Nasarallaah!
Sheekh Xassan oo aan fagaareyaasha soo xaadirin muddo dheer ( laga soo billaabo dirirtii 2006) ayaa wuxuu muuqanayey 3 daqiiqadood iyo ilbiriqsiyo. "Anigu waxaan u imid in aan shakhsi ahaan gacan-qaado Samiir iyo raggiisa. Waxaanan rabaa in aan hortiinna ugu sheego in aynaan ka seexan jirin, haddana aynaan ka seexan doonin kuwa xir-xiran ee maxaabiista cadawga ku jira." Shaashadda ayaan idinkala hadli doonaa muddo hal saac ah." ayuu yiri, dabadeedna raggii dheer-dheeraa ayaa inta isku jaxaasey dululaati kala baxay.
Sheekha ayaa dhawr iyo labaatan daqiiqo ka dib ka muuqday shaashad weyn, waxaana hadalladiisii ugu qiime-badnaa "Dublimaasiyadda Carbeed iyo xiriirka adag ee ay madaxdeennu la leedahay Maraykanka iyo Yuhuudda, ha lagu dayo in lagu soo daayo kow iyo tobanka kun ee Carbeed ee Reer Siiriya, Falastiin, iyo Urdunba leh." "Innagu waxaan doorannay in aannu Israa'iil xoog ku fahamsiinno in ay soo daayaan Samiir iyo raggiisa, waxaanay nala tahay in aanay jirin luqad kale oo ay fahmi karaan." iyo " erayo kale... La soco qormada 2aad.
Reer Banii'Israaiil (Ehud Olmert iyo Ehud Barak-bidix) iyagu marka uu damaashaadkaasi socdo, waxay salaaxayeen labadii naxash ee ay ku jireen maydadkii labadii askari ee Goldwasser iyo Eldad Regev oo uu ka curtay dagaalkii 34 ta beri socday ee dhacay 2006-dii.