Page 1 of 1

eye surgery hospital opened in beledweyne

Posted: Fri Mar 06, 2009 11:12 am
by Somaliman50
Howlo indho fiiq ah oo mudo 6- maalmood ah ka socday gudaha Magalaada B/weyne ayaa maanta lagu soo gabo galbeeyay Isbitalka weyne ee Magaladaaasi.

Mashruucaan Indho fiiqa ah oo ay fulineysay Hay’adda maxali ah oo la yiraahdo Zam Zam Foundition islamarkaana ay maal galineysay Hay’adda dalka Turkiga ka diiwaan gashan oo magaceda loo soo gaabiyay IHH ayaa waxaa indha loogu fiiqay tir gaareyo ilaa 307 ruux kuwaasoo dib u helay aragooda sida uu inoo xaqiijiyay afhayeenka mashruucaan magaciisa ku soo gaabiyay Oogle.

Mr Oogle waxaa kaloo uu intaasi ku daray in ay Howshan indho fiiqa ah ay wadeen 1 Doctor iyo 5 kal kaaliyaal caafimaad oo dhamaantoodba ah soomaali waxuuna intaasi raaciyay in Mashruucan indho fiiqa ah ay meelo badan ka soo fuliyeen “sida Somaliland oo aanu ka soo fulinay buu yiri magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Hargeysa,Burco,Boorame Gibiley iyo Konfurta somaliya oo aan Banadir,Sh/dhexe iyo Bay ka soo fulinay” waxuu kaloo sheegay “in haatan ay ku sii jeedaan Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud oo mashruuc kan oo kale ah laga fulin doono”.

Dadka howshan indho fiiqa ah ka faa’ideystay ayaa ka kala yimd qeybo badan oo ka mid ah gobolada dariska la ah Gobolka Hiiraan iyo Dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxayna u badnaayeen Dad da’ah oo isugu jiro Rag iyo Haween.

Qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka ayaa waxaa ay si weyn u soo dhaweyeen mashruucan waxayan ugu baaqeyn Hay’addaha kale ee Maxaliga ah in ay howlo sidan oo kale oo dadka wax u taro la yimaadaan si looga baxo wax yaabo badan oo dhibaato ku ah Dadka Shacabka ah.

Mahan markii ugu horeysay oo Gobolkan Hiiraan howlo Indho fiiqid ah lagu fuliyo iyadoo sedan oo kale 2dii sanoba mar ay Hay’ado maxali ah ka fulyaan gobolka kuwaasoo ay ka faa’deystaan boqolaal Dad ah.

Image

Image

Image

Image

Re: eye surgery hospital opened in beledweyne

Posted: Fri Mar 06, 2009 7:08 pm
by Xashi
Mashallah :up: Keep the good news coming 8-)