Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dhismihii Jaamacada Hiiraan

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Dhismihii Jaamacada Hiiraan

Postby Somaliman50 » Sat May 16, 2009 12:19 pm

Waa Ilaah mahadii in dhismaha hoygii (Campuss) ugu horreeeyey ee Jaamacadda Hiiraan uu ka socdo magaalada Baladweyne, Hiiraan, ku dhowaad saddex sano ka dib markii la bilaabay fikradda jaamacadda oo ay curiyeen aqoonyahaanno ku nool waqooyiga Ameerika iyo Yurub. Maanta waxaa xaqiiqo noqoday in Hiiraan laga dhisayo Jaamacaddii ugu horreysey, Hiiraan University, gobolka iyadoo duruufyaha waddanku marayo adagyihiin.

Dhismaha kambaska Jaamacadda wuxuu bilowday bishii Apriil, 2008, wuxuuna noqon doona Kulliyaddii ugu horreysey, laguna dhigo doono cilmiga Beeraha. Kulliyaddu waxey ka koobnaan doontaa siddeed fasal oo wax lagu dhigayo, xafiisyada maamulka, rugta shirarka, rugta macallimiinta, qolka waardiyaha, qolka matoorka, ceel biyo leh. maktabad (library), iyo waxyaabo kale. Jaamacaddu waxey ku talo jirtaa in ay yeelato sheybaarro, xarunta maqalka iyo aragga (mulit media center), baraha lagu ciyaaro isboortiga, iyo kambiyuutarro u suurtogeliya ardayda iyo macallimiinta in ay caalamka kula xiriiraan. Kulliyaddu waxay aqbali doontaa inta u dhexeysa 50 ilaa 100 arday (Soomali) sanadka 2009.

Hoyga kulliyadda oo ku yaalla agagaarka Beledweyne, ahn daanta Sare ee Webiga Shabeelle iyo halka ay isku weydaaraan waddoonyinka ganacsiga xoolaha nool ee koofur, waqooyi iyo galbeedka Soomaliya, waxaan shaki ku jirin in Jaamacaddu door wax ku ool ah ka qaadan doonto wax-soo-saarka cuntada, hormarinta beeraha iyo kheyraadka dabiiciga ah. Kulliyaddu waxaa kale oo ay ballaanrin doontaa waxsoosaarka miraha kala duwan, nafaqada iyo caafimaadka, daryeelka degaanka, iyo horumarinta huntada. Waxey kulliyaddu ku dhaqmi doontaa manhaj horumariya muhimadda isku dheelitirka daryeelka degaanka, dhaqaalaha, iyo horumarinta bulshada.

Mustaqbalka dhow haddii la helo dhaqaale, jaamacadda waxey ku talo jirtaa in ay dhisto guryo ardayda iyo macallimiinta ku hoydaan. Ujeedada jaamcadda waxey si weyn uga tarjumeysaa waajibka jaamacadda ka saaran horumarinta ummadda Soomaliyeed guud ahaan. Jaamacaddu waxey noqon doontaa meel waxbarasho, cilmi baris, iyo meesha lagu curiyo fakradaha lagu horumarinayo danaha guud ee Soomaliya.

Xaaladda cakiran ee Soomaaliya ay ku sugantahay iyo dhaqaale yari owgeed ayaa sababtay in dhismaha dhowr jeer dib loo dhigo, lana beddelo naqshaddii hore. Waxaa ka soo uruuray lacagyihii la yaboohay sanadkii 2006 36% oo keliya. Waxaa loo baahanyahay in dadaalka iyo waxqabadka meesha laga sii wado si loo dhameystiro dhismaha jaamacadda.

Taagerada shacabka Soomaaliyeed ayaa mar walba ah mid aan laga maarmeynin si loo ballaariyo jaamacadda. Waxaa lama huraan ah in shacabka Soomaaliyeed laga helo taageero dhaqaale oo wax ku ool ah.

Jaamacaddu waxey mahadnaq u soo jeedineysaa dhammaan dadkii bixiyey deeq, waxaana laga rajeynayaa in ay sii wadaan tageerada ay horay u fidiyeen. Waxaa deeqda lagu soo diri karaa akoonka Jaamacadda Hiiraan ku leedahay Xawaaladda Ammaana ee Dubai, wax ‘service fee ah” oo laga qaadayaa qofka ma jirto. Si aad iyo aad ayaa loogu baahanyahay kaalmada shacabka Soomaaliyeed.

Image

Image

Image

Image

Image

User avatar
Cusmano
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 920
Joined: Sat Apr 18, 2009 2:38 am
Location: Qardho

Re: Dhismihii Jaamacada Hiiraan

Postby Cusmano » Mon May 18, 2009 6:10 am

Excellent job reer hiiran it is great to see the people are picking themselves up and creating better environment for their ppl... :clap:

User avatar
FAH1223
webmaster
Posts: 33838
Joined: Mon Oct 02, 2006 12:31 pm
Location: THE MOST POWERFUL CITY IN THE WORLD
Contact:

Re: Dhismihii Jaamacada Hiiraan

Postby FAH1223 » Wed May 20, 2009 6:26 pm

i have a hiiraan university t-shirt :lol:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Hiiraan”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 6 guests