Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

xarunta Agoonta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

xarunta Agoonta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

Postby TheblueNwhite » Mon Sep 19, 2011 5:12 pm

Axad, September 18, 2011(HOL) Nairobi, Kenya - Xaflad si wanaagsan loo soo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen dad weyne aad ubadan ayaa maanta lagu qabtay Hotel Kaah ee xaafada Easliegh ee magaalada Nairobi.

Dadkan ayaa ka jawaabay qado sharaf uu usameeyay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble , waxaana markii la qadeeyay kadib uu furmay Xaflada oo uu furay Ustaad Adan Carab duur oo ahaa xiriiriyaha Barnaamijka marti qaadka.

Gudoomiyaha Jaaliyadda Xawaadle ee Kenya C/risaaq Sh Dhaqane oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xafladan iyo qadadan ay gaar u tahay Ugaaska oo uu ku marti qaaday dhamaan Jaaliyada dibadda.Waxaana uu Gudoomiyuhu uga mahadceliyay dhamaan dadki ka soo qeyb galay sida sharafta leh ay u ajiibeen uyeeristii Ugaaska.

Intaa kadib waxaa xaflada muxaadaro dheer oo ku saabsaneyd kaalmeynta agoonta ka soo jeediyay Al Ustaad C/raxmaan Maxamed Raage ( Xaynoof ) oo kamid ah aqoon yahanada Jaaliyada ee ku nool Magaalada Nairobi. Waxaana uu kula dardaarmay dhamaan intii ka soo qeyb gashay inay kaalmeeyaan Agoonta si ay uhelaan balan qaadka aakhiro ee uu rabi usameeyay.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble (Alaha xafidee ) ayaa lagu soo dhaweeyay hadalka waxaana uu Ugaasku ka hadlay Agoonta kujirta xarunta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble iyo waqtiyadi ay soo mareen, isaga oo ilaahay uga mahadceliyay mudo 13 sano ah kadib in maanta ay ku jiraan daarweyn oo loo dhisay. Waxaa uu sidoo kale si kal iyo laab ah ugu mahadceliyay dhamaan intii gacan ka geysatay dhismaha xarrunta iyo kafaaladda carruurta.

Ugaaska ayaa tilmaamay inuu aad ugu faraxsanyahay sida ay Jaaliyada dibada gaar ahaana Gabdhaha oo inta badan bixiyay qarashka lacagta lagu dhisay, waxana uu ilaahay uga baryay inuu kheyr uga abaal mariyo.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif waxaa uu balan qaaday sidii horayba loogu yaqiinay inuu sii wadi doono ugargaaridda iyo taakuleynta Carruurta, kamana daalidoono buu yiri Ugaaska inaan cod dheer bulshada ugu sheego inay agoonta xurmeeyaan oo ay caawiyaan.

Ugu dambeyntii Xaflada ayaa Ugaas C/raxmaan waxaa uu shahaado sharaf ka koobneyd Kitaab Qur’aan iyo Shahaado uu gudoonsiiyay 30 xubnood oo kamid ahaa dadkii kaalinta firfircoon.
kaqaatay dhismaha xarrunta Agoonta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ee Magaalada Beledweyne iyo Kafaalada Carruurta.

Dadka la siiyay Shahaadada ka sokoow waxaa si wada jir ah loo siiyo shahaado Sharaf Jaaliyadaha Canada, Australia, Newziland, Uk, USA , Norway iyo Holand.

Waxaana Shahaado Sharaf gaar ah la guddoonsiiyay mulkiilaha Hiiraan Online Axmed Xaaji Cilmi Guure oo uu Ugaasku ku tilmaamay inuu qayb lixaad leh ka qaatay sidii loo soo aruurin lahaa lacagta lagu dhisay xarunta xanaanada agoonta.

Ugu dambayntiina kulankan oo ahaa mid mahad-naq ah oo loogu ducaynayay dadkii ka qaybqaatay dhisidda xarunta xanaanada agoonta ee magaalada Beledweyne oo loogu magacdaray (allaha u raxmadee) Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa lagu soo gaba-gabeeyay jawi wanaagsan oo ay ku dheehnayd farxad.

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: xarunta Agoonta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

Postby TheblueNwhite » Mon Sep 19, 2011 5:13 pm

Image


User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: xarunta Agoonta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

Postby TheblueNwhite » Mon Sep 19, 2011 5:30 pm

1- Aasaaskii Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU)

Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU) waxaa la aas-aasay sannadkii 1998, iyadoo markii ugu horeysay Xaruntaan lagu furay ama lagu bilaabay agoon tiradoodu ahayd 50 agoomood, markii xigay 57 agoomood, halka ay maanta gaarayaan 112 (Boqol toban & laba agoomood), haddaba marka laga soo bilaabo mudadaas aan kor kusoo sheeganay ilaa sannadkii 2003 waxaa mas'uul ka ahaa hay'addii Alxarameyn ee wadanka isaga guurtay kadib markii lagu eedeeyay iney xiriir la leedahay ururo & dad lagu tuhunsan yahay falal dembiyeedyo.

Sida aad la wada socotaan hay'adda Alxarameyn waxaa laga xannibay dhaqaalihii ay mashaariicda kheyriga ah ku bixin jirtay oo ay ka mid ahayd kafaalo qaadida agoonta, iyadoo wadamo badan oo adduunka ku yaala gaar ahaan dunida muslimka gacan weyn ka geysan jirtay xannaaneynta agoonta, wixii markaa ka dambeeyay waxaa agoontaan soo wajahay xaalado adag, iyagoo waqtiyada qaar haysteen kafaalo dhameystiran sida Jiif, Cunto, Waxbarasho iyo daryeel caafimaad, halka xilliyada qaarkoodna aysan intaa wada heli jirin, oo marar dhowr ah inta dhaqaale loo waayay la kala diray, Alle ayaa mahad ideylkeed iska leh kadibna waxaa mahaddaas iska leh muslimiintii ka qeyb qaatay daryeelka agoontaan, jazaakumu Allaahu kheyran walaalayaal.

2- Waxbarashada Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne
Waxbarashada xaruntaan agoonta waxay u qeybsantaa 2 qeybood
oo kala ah:
A- Qeybta Dugsi Qur'aanka Kariimka.
B- Qeybta wax barashada maadiga oo ah Dugsi H/Dhexe.

A- Qeybta Dugsi Qur'aanka Kariimka
Qeybtani waa qeybta ay Agoontu ku barato xifdinta, qorista, Aqrinta Qur'aanka Kariimka iyo axaadiista Rasuulka (SCW) iyo qeybo kale oo faa'iido u leh.

B- Warbixinta Dugsiga H/Dhexe ee Xarunta A. U
Dugsigani waa dugsi ama skool H/Dhexe, wuxuuna ka kooban yahay afar fasal, oo ay isku bed bedelaan, iyagoo ku barta maadooyinka hoos ku yaala:

Waxaa lagu baraa maadooyinka kala ah:
*- Maadada Carabiga.
*- Af-soomaaliga.
*- Sayniska.
*- Taariikhda & Juqraafiga.
*- Tarbiya Diiniga.
*- Xisaabta.
*- English
*- I.W.M.

C- Warbixinta Jiifka Agoonta X. Ugaas Khaliif ee B/weyne (XAU).
Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne waxay leedahay qeyb jiif oo ka kooban 8 qol, oo afar ka mid ah ka baxsan yihiin xarunta gudaheeda, laakiin aan sidaa uga sii fogeyn oo ilaa 100 talaabo u jirta, taasoo ay ugu wacan tahay markii ay korortay laba laab tirada agoonta oo ay noqdeen 112 agoomood, halka ay markii hore ka ahaayeen 57.

Qol walba waxaa yaala sariiro uu u dhameystiran yahay firaashkooda, waxaana u dheer in sariir walba leedahay maro kaneeco, maadaama ay magaaladu leedahay kaneeco webiga shabeellee oo mara awgeed, sariirahaas ay agoontu ku jiiftaan waa kuwa isku dul saaran laba laba, sida ay u kala weyn yihiin ayaana loo kala sare mariyaa agoonta, tusaale qofkii waxoogaa roon waxaa la seexiyaa dusha sare, iyadoo kan yarna hoos la seexiyo.


Dhaqaalaha Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif ee B/weyne
Mar haddii dhaqaale la jaangoynayo ama larabo in laga hadlayo waa lagama maarmaan in la ogaado tirada agoonta ee ku xareysan Xarunta Ugaas Khaliif ee B/weyne, tiradaas oo miisaan ama qiyaas u noqoneysa dhaqaalaha baxaya, haddaba xilligii ay hay'adda Alxarameyn gacanta ku hayn jirtay tirada agoontani waxay ahaayeen 50 agoomood, kharashka ku bixi jiray bishii guud ahaan wuxuu ahaa kun iyo shanboqol dollar ($1500), taas ka turjumeysa in agoon kasta ay ku baxdo ama ku filantahay soddon dollar ($30), ayna ka dabooleyso waxyaabaha soo socota:-

A- Hoyga. B- Cuntada. C- Waxbarashada. D- Caafimaadka.

E- Arad bax. F- I.W.M.

Wixii talo iyo taakuleyn ah nagala soo xiriir
agoonta@agoonta.net ama kaafil@agoonta.net

Jazzaakumullaahu kheyran
agoonta.net

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: xarunta Agoonta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

Postby TheblueNwhite » Mon Sep 19, 2011 5:35 pm

Image
Image
Image
Image
Image
Image

User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: xarunta Agoonta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

Postby TheblueNwhite » Mon Sep 19, 2011 5:39 pm

Image
Image
Image

User avatar
ciyaal_warta
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9629
Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
Location: Hiiraan State of Somalia

Re: xarunta Agoonta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

Postby ciyaal_warta » Tue Sep 20, 2011 1:11 am

mashallah reeeeeeeer hiiiiiiraan keep doing the good thing :up:

User avatar
GeoSeven
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5627
Joined: Sat Sep 17, 2011 10:41 am
Location: Out of my mind somewhere...always somewhere, never an exact location.

Re: xarunta Agoonta Ugaas Khaliif Ugaas Rooble

Postby GeoSeven » Tue Sep 20, 2011 5:30 am

Mashallah. The Ugaas did a good thing by giving out certificates to the people who helped!


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Hiiraan”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest