Page 1 of 1

Diaspora returnees landing in B/Weyne for the last few days

Posted: Tue Aug 13, 2013 8:10 pm
by GeoSeven
Qurbo-joog kasoo jeedda Gobolka Hiiraan oo Maalmihii lasoo dhaafay si aad ah ugu Qulqulayay Magaalada Baladweyne

Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa si weyn u soo gaarayay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan qurba-joogta kasoo jeeda gobolka, kuwaasoo sheegay in ujeeddada socdaalkooda uu yahay ka qeyb-galka shirweyne uu ku baaqay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Waxaa maanta ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne xubno qeyb ka ah qurba joogta u socta ka qeyb-gallka shirweynaha maalin kadib la fillayo in uu ka furmo magaalada, oo ay ku soo dhaweeyeen garoonka qeybaha bulshada oo ay ka mid yihiin xubnaha ururka dhalinyarrada gobolka.

Cismaan Raagge Saney oo ah guddoomiyaha ururka dhalinyarrada qurbo-joogta gobolka Hiiraan oo horkacayay qurbo joogta maanta gaartay magaalada Baladweyne oo la hadllay HOL ayaa sheegay in uu siweyn ugu faraxsan yahay dib ugu soo laabashada magaalada, isaga oo ka mahad celiyay soo dhaweyntii loo fidiyay isaga iyo xubnaha safarka ku wehliyay.

“Dabcan waa nagala soo horeeyay walina waa la soo socdaa, sababta aan halka u soo gaarnayna wax kala ma'aha waa in aynu ka qeyb-gallno oo kaliya shirka uu ku baaqay Ugaaska,'' ayuu yiri Cismaan Raagge Saney.



Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in marka laga soo tago shirka uu ku baaqay Ugaaska sidoo kale qurba joogta dib u eegis ku sameyn doonaan fursadaha shaqo ee ka jira gobolka gaar ahaa magaalada Baladweyne iyo haddii ay jiraan mashaariic laga hergalin karo, madaama ayuu yiri ammniga magaalada uu yahay mid leysku haleyn karo.


“Runtii nabad-galyo ayaa ii muuqata, waxaa ay arintan dhiiri-galin weyn u noqon kartaa dadka qurbaha jira in ay dalka dib ugu soo laabtaan kana sameystaan gobolka mashaariic hormarineed,'' ayuu yiri Cismaan Raagge Saney oo ah guddoomiyaha dhalinyarrada qurba joogta Hiiraan.

Labadii todobad ee la soo dhaafay ayaa la oran karaa waxaa magaalada Baladweyne soo gaaray tiradii ugu badney ee qurba joogta ka soo jeeda gobolka kuwaa oo u muuqda in ay xiligan ka fikirayaan sidii ay maalgashi ugu sameysan lahaayeen gobolka gaar ahaan magaalada Baladweyne.

Image

Image

Image

Image

General Khaliif :up:

Image

Re: Diaspora returnees landing in B/Weyne for the last few d

Posted: Tue Aug 13, 2013 8:32 pm
by AbkoowDhiblaawe
Mashallah :up:

Re: Diaspora returnees landing in B/Weyne for the last few d

Posted: Tue Aug 13, 2013 8:44 pm
by sahal80
:lol: jamaacat agoon cabdalle! cunigii cabdalle kookaay leen ka maqan

I know when they travelled to nairobi-xamar they have been weeks there.

Odaga ugu danbeeyo waa khalif mumin

All of them are reer uk

Re: Diaspora returnees landing in B/Weyne for the last few d

Posted: Tue Aug 13, 2013 11:36 pm
by SecretAgent

Re: Diaspora returnees landing in B/Weyne for the last few d

Posted: Wed Aug 14, 2013 12:39 am
by GeoSeven
:lol: jamaacat agoon cabdalle! cunigii cabdalle kookaay leen ka maqan

I know when they travelled to nairobi-xamar they have been weeks there.

Odaga ugu danbeeyo waa khalif mumin

All of them are reer uk
Sahal Odayga is a G. These guys are all your folk from the UK maahanoo :stylin:
:up:

Re: Diaspora returnees landing in B/Weyne for the last few d

Posted: Wed Aug 14, 2013 6:18 am
by sahal80
I didn't get your remark on adeyga

He is from london, well-known to the tvs his name is sultan(title) khalif mumin tooxoow. All of them are agoon cabdalle.

Re: Diaspora returnees landing in B/Weyne for the last few d

Posted: Wed Aug 14, 2013 6:47 am
by GeoSeven
G as in Gangster....a nice guy in slang. All of them are Agoon? I thought Khaliid Muumin was Reer Ugaas for some reason.

Re: Diaspora returnees landing in B/Weyne for the last few d

Posted: Wed Aug 14, 2013 7:42 am
by sahal80
Waa isku xer.

Khalif mumin, saneey, mohamed kenaan..

He is not islaaw.

Re: Diaspora returnees landing in B/Weyne for the last few d

Posted: Wed Aug 14, 2013 8:55 am
by GeoSeven
I'm waiting for some heavyweights to show up.