Ciidamadii Ethiopia ee ku sugnaa gobolka Gedo ayaa lasoo sheegayaa inay u dhaqaaqeen dhinaca gobolada Jubbooyinka halkaasi oo lagu soo waramayo inay ka qorshaynayaan sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen Ciidamadda Xarakada Al-shabaab ee halkaasi ku sugan.
Guddoomiyaha degmada Garbahaareen ee xarunta gobolka Gedo Iimaan Caddow Kaarshe oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inaysan saamayn ku yeelan doonin dhaqdhaqaaqyada ay wadaan Ciidamadda Ethiopia.
http://saadaalnews.com/wp-content/uploa ... -Cadow.mp3