Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Nuur ibnu Mujaahid, Ahmed Gurey, Amiir Nuur Geesiyadii SADE

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
kismayogedojubaland
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1115
Joined: Sun Jul 25, 2010 12:20 pm
Location: Ceelcade, Gedo, Jubbaland State of Somalia

Nuur ibnu Mujaahid, Ahmed Gurey, Amiir Nuur Geesiyadii SADE

Postby kismayogedojubaland » Wed Aug 18, 2010 6:49 pm

Nuur ibnu Mujaahid oo ku magac dheer Nuur binu al-Waziir, oo u dhashay beesha Mareexaan SADE, wuxuu ka mid ahaa madaxdii ka katalin jirtay saldanaddii Muslimiinta ee Adal. Markii uu geeriyoodey Imaamkii Muslimiinta ee Adal, Imaam Axmed Ibraahim Garaad (Gurey), waxaa kala wareegay kursiga madaxnimada, Amiir Nuur oo dumaaley haweenaydii uu ka geeriyoodey Imaam Axmed Gurey.

Amiir Nuur waxaa loogu magic daray Shahib al-Fath at-Thani oo micnaheeda tahay Afadii Halyeygii Labaad. Markii Imaam Axmed Ibraahim Garaad (Gurey) la dilay sanadkii 1543kii, ciidankii uu hogaaminayeyna aya dib ugu soo laabtay xaruuntoodii Harar, waxaa soo muuqday firaaq hogaamineed oo la soo gudboonaadey Saldanadda iyo shucuubtii ay mas'uulka ka ahayd. Waxay cid kasta oo ku jirtay xayndaabka Imaarada ay ku noqotay naxdin iyo anfariir in ay waayeen Imaamkoodii geesinimada, caddaaladda, iyo hogaaminta eebbe u hibeeyey.

Amiir Nuur waxaa dhashay Imaam Axmed walaashiis; (laakiin qaar kamid ah dadka taariikhdan waxa ka qoray waxay rumaysanyihiin, in Amiir Nuur uu la walaal ahaa Imaam Axmed Gurey), Amiir Nuur wuxuu dadaal dheer ku bixiyey dhisitaanka maamulkii Imaarada, iyo ciidankeedii oo uu ka muuqdey niyad jab ka yimid sidii aan horay u soo xusnayba geeridii Imaam Axmed Gurey.

Sanadkii 1551kii waxaa Amiirnimada Saldanadda Awdal loo caleema saaray Amiir Nuur ibnu Mujaahid al-Waziir. Markii la caleema saaray, wuxuu bilaabay abaabul ballaaran oo dhowr sano soo socotey wuxuuna amaray in magaalada lagu wareejiyo darbi adag oo gaashaan uga noqda cid kasta oo ku soo duusha.

Sanadkii 1554kii, Amiir Nuur wuxuu ku dhawaaqay Jihaad ka dhan ah Boqortooyada Ethiopia, wuxuuna qabsaday gobolada Charchar, Arusi, iyo Hadeya. Sanadkii 1559kii, Amiir Nuur wuxuu markiisii ugu horaysay weerar lixaad leh ku qaaday Gobolka la oran jiray Fatajar halkaasna waxay isaga hor yimaadeen ciidamadii Boqor Galawdewos oo horay uga war helay in Amiir Nuur weerar ku soo yahay. Dagaalkaas waxaa lagu jabiyey ciidamadii Boqor Galawdewos. Markii gacanta lagu soo dhigay Boqor Galawdewos waa la toogtay.

Amiir Nuur markuu Jihaadka mudo 12 sano ku jiray buu ku dhawaaqay erayga “Kaffa” oo macnihiisa tahay joojis, dibna ugu laabtay xaruuntoodiisi Harar.

Markuu Amiirka ku laabtay magaalada Harar, wuxuu ka war helay in qowmiyadda Oromadu duulaan ku yihiin caasimada Adal. Sanadkii 1568kii, Amiirka ayaa weerar culus ku qaaday Oromada duulaan ku ahaa. Markuu soo afjaray weerarkii ku qaaday Oromada, buu Harar ku soo laabtay. Markuu magaalada ku laabtay wuxuu la kulmay cudur ummadda baabi'iyay.



Asxaabtiisiisa waxay sheegayn inuu ahaa nin caan ku ahaa geesinimo, karti iyo indheer-garadnim. Wuxuu kale oo caan ku ahaa dhisida darbiga adag oo gaashaan uga noqday cid kasta oo ku soo duushay iyo difaaca diinta iyo badbaadada ummadiisa.

User avatar
kismayogedojubaland
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1115
Joined: Sun Jul 25, 2010 12:20 pm
Location: Ceelcade, Gedo, Jubbaland State of Somalia

Re

Postby kismayogedojubaland » Sun Feb 20, 2011 2:13 pm

"}

User avatar
LooxJiid
Posts: 220
Joined: Tue Feb 22, 2011 9:16 am
Location: Caasimadda

Re: Nuur ibnu Mujaahid, Ahmed Gurey, Amiir Nuur Geesiyadii S

Postby LooxJiid » Sun Mar 06, 2011 10:56 pm

Dude! Amiir Nuur is Nuur Ibn Mujahid.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Jubada Dhexe”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest