Wakaahladda Wararka SomaliMeMo ayaa Akhristayaasheeda usoo bandhigaysa Muuqaallo ku saabsan xaaladda deegaanka Diif oo ay dhawaan ka dhaceen dagalalo culus oo u dhexeeyay ciidanka Mujaahidiinta iyo Maleeshiyaadkii Kenya lagusoo anshax xumeeyay.
Weriyaha Wakaaladda Wararka SomaliMeMo ee Jubbooyinka Cabdi Raxmaan Yare ayaa halkaasi ku sugan wuxuuna soo diray sawirro ka tarjumaya xaqiiqda dhabta ah ee Diif ka jirta.
Deegaanka Diif oo dhaca xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Jubbada Hoose ayaa waxaa in mudda ah ku sugnaa maleeshiyaad shareecada diid ah oo Axmed Madoobe iyo Dowlada Kenya taabacsanaa.
Markii ay Mujaahidiintu halkaasi gaareen ayey waxa ay hagaajiyeen Ceelkii Biyaha deegaanka waxayna soo celiyeen nabad gelyadii deegaanka iyagoona ku dhawaaqay in ku dhaqanka shareecada Islaamka laga hirgelin doono halkaasi.
Ciidanka Mujaahidiinta oo gudaha deegaanka Diif sii gelaya