Axad, June 26, 2011(HOL) , Nairobi, Kenya - Shir ay soo qabanqaabiyeen qaar ka mid ah haweenka, Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa lagu taageeray maamulka Azania, oo uu madaxweyne ka yahay wasiirkii hore ee gaashaandhigga ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi.
Sahro Dable Ibraahim oo ahayd madaxii qabanqaabada, ayaa sheegtay inay taageersanyihiin maamulka Azania
Sahro ayaa tilmaantay in haweenka ku nool gobollada uu maamulkaani ku magacaabanyahay ay la kulmeen tacaddiyo lixaad leh xilligii dagaalka sokeeye, taasoo ay sheegtay in looga bixi karo garab istaagidda maamulka Azania.
Dahabo Faaqid oo iyaduna halkaas gabay dheer ka jeedisay ayaa ka hadashay halgankii dheeraa ee ay dadkii xorriyadda Soomaaliya u soo galay ay naftooda u hureen, iyadoo tusaale u soo qaadatay Axmed Gurey iyo Sayid Maxamed Cabdille Xassan oo labaduba ahaa halyeeyadii Soomaaliya ee lagu xasuusto dagaalladii ay la galeen gumaystayaasha.
Dahabo waxay sheegtay in xafladooda ay ku soo aadiyeen maanta oo ku beegan ,markii ay gobollada waqooyi ee Soomaaliya xoroobeen, iyadoo ka dalbatay haweenka deegaanada Azania inay isu taagaan sidii ay u horkici lahaayeen maamulka Azania.
Cumar Cabdi Xiireey oo ku hadlay magaca salaadiinta saddexda gobol ee looga dhawaaqay Azania ( labada Jubbo iyo Gedo) ayaa sheegay inay difaaci doonaan maamulka Azania maanta wixii ka dambeeya isla markaana ay ka hortagi doonaan, kooxaha hubaysan ee kasoo horjeeda maamulkaas.
Ugaaska ayaa mahad u jeediyay taageerada haweenka oo uu sheegay inay laf dhabar u yihiin maamul walba oo la sameeyo.
Dawladda Kenya ayaa shirkaan waxaa uga qaybgalay xildhibaankii hore ee koonfurta wajeer, isla markaana ah u qaabilsanaha Kenya arrimaha gobollada la isku yiraahdo Azania C/raxmaan Cali Xassan Colow.
Mudane Colow ayaa tilmaamay in xasiloonida Kenya ay danaynayaan, ayna taasi ku jirto in maamul xasilloon laga hirgaliyo deegaanadda ku teedsan xadka Kenya.
Xildhibaankii hore ayaa ka codsaday dadka deegaankaas inay isku tashadaan isla markaana ay ku dadaalaan sidii ay u adkyasan lahaayeen maamulkooda.
Ugu dambayntiina waxaa halkaas khudbad gaaban ka jeediyay Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo u mahad celiyay haweenkii xafladda soo qaban qaabiyay.
Gaandi oo ku hanjabay inuu la dagaallami doono kooxaha kasoo horjeeda, ayaa haddana sheegay in maamulkaan ujeedadiisu ay tahay xasillooni ku soo dabaalidda gobollada Azania iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya.
Prof. Gaandi waxaa uu iska fogeeyay in maamulkiisu uu yahay mid qabiil, isagoo sheegay inuu yahay mid ay ku midaysanyihiin dadka deegaanka ee kasoo jeeda qabaa’il kala duwan.
Xafladda lagu taageerayay maamulka Azania waxaa ay qayb ka tahay xaflado noocaan oo kala ah oo lagu taageero maamullada looga dhawaaqay bannaanka Soomaaliya, kuwaasoo sannadihii ugu dambeeyay si wayn isu soo tarayay.
Axmed Cabdisamad,Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya
http://hiiraan.com/news/2011/Jun/warark ... -14015.htm