Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

HiiraanOnline: Somali Government declares full for Azania

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Hard-Rock
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1419
Joined: Sat Nov 18, 2006 8:16 pm
Location: Azania state of Somalia

HiiraanOnline: Somali Government declares full for Azania

Postby Hard-Rock » Tue Jul 26, 2011 12:10 am

Image
Isniin, July 25, 2011(HOL) Nairobi, Kenya - Shir ay kasoo qayb galeen boqollaal ergo ah oo kakala yimid gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa maanta ka furmay deegaanka Limuru oo 30km u jira magaalada Nairobi.

Shirkan oo ah kii ugu ballaarnaa ee ay qabtaan masuuliyiinta maamulka Azaaniya ayaa lagu sheegay ajandihiisa soo dhisitaanka golayaasha baarlamaanka,guurtida iyo xukuumadda , iyadoo uu shirku socon doono 5 maalmood.

Qunsulka safaaradda Soomaalida ee magaalada Nairobi Maxamed Cismaan Aadan Edson oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay si bareer ah u taageerayso maamulka Azaaniya, isla markaana ay dawaldda Soomaaliya xog ogaal u tahay ka qaybgalkiisa shirka.

Qunsulka ayaa tilmaamay in xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ay taageerayso maamul walba oo ka shaqaynaya nabadda iyo xasilinta gobollo amaba guud ahaanba Soomaaliya.

Ilyaas Barre Shiil oo u qaabilsan Ra’iisul wasaaraha Kenya arrimaha Soomaaliya oo khudbad qiiro leh ka jeediyay goobtaasi ayaa si kulul u weeraray xarakada Alshabaab.

“Waxaan arki jirnay wadaado dadka dhibaataysan wax u uruuriya, kuwaani waa kuwo qori la hor taagan dadkii cawimaadda u gudbin lahaa dadka abaaruhu ay ku habsadeen”. Ayuu yiri Ilyaas.

Ilyaas ayaa ku canaantay Soomaalida inay dalkooda dayaceen isla markaana ay ku faanayaan baasaboorro ajnabi ah oo ay qaateen sida uu yiri.

“Mid walba wuxuu sitaa baasaboor ajnabi ah, wuuna isla fiicanyahay oo hurinayaa colaadda dalkiisa ka jirta, Soomaaliyeey sida isu dhaama”. Ayuu yiri Ilyaas oo Soomaalida ku boorriyay inay dalkooda khayraadka badan ka faa’iidaystaan.

Madaxweynaha maamulka Azaaniya Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maamulkiisu uu yahay mid ku salaysan nidaamka deegaamaysiga, isagoo iska fogeeyay eedaymaha sheegaya in Azaaniya ay qabiil ku dhisantahay.

Gaandi waxaa uu ka codsaday salaadiinta iyo waxgaradka shirka ka qaybgalaya inay wax ku qaybsadaan si ay cadaaladi ku jirto .

Shirka Azaaniya maanta uga furmay magaalada Limuru waxaa uu imaanayaa xilli ay qaar kamid ah xildhibaanada DKMG ah ee Soomaaliya ay eedaymo u soo jeediyeen maamulkaas oo ay ku tilmaameen inay taageerayaan dawlado shisheeye.


Image
Image
Image
Image


Source:
http://hiiraan.com/news/2011/July/warar ... -14364.htm

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Jubada Dhexe”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests

cron