Odoyaal Dhaqameedyo Lagu Xirxiray Degmada Bu’aale
Jimco, September 02, 2011 (HOL) − Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al shabaab ee gobolka jubbada dhexe ayaa xabsiga dhigay ilaa 7 odoyaal dhaqameed oo caan ka ah gobolka J/dhexe kuwaasi oo aan la garanayn ujeedada Rasmiga ah ee ka danbeeysay xarigooda.
Qaar kamid ehellada odayaal dhaqameedyada ay xarakada Alshabaab maanta ku xirxirtay degmada Bu’aale oo HOL u warmayay ayaa sheegay in nabadoonada la xirxiray ay gaarayaan ilaa 7, waxaana ay sheegeen inaysan garaneyn ujeedada rasmiga ah ee ka danbeeysay xariga odoyaasha.
Qaraabada odoyaasha la xirxiray ayaa sidoo kale sheegay in xalay saqdii dhexe guryahooda lagala baxay 7da oday, iyagoona intaasi ku daray in aysan garaneyn meel la geeyay islamarkaasina ay aad uga welwelsanyihiin.
Wararka qaar oo aan ka heleyno degmada Bu’aale ee gobolka J/dhexe ayaa sheegaya in odoyaal dhaqameedyadani lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin dowladda KMG ee Soomaaliya.
Tallaabadani ayaa kusoo beegmeysa xilli dhawaan maamulka xarakada Alshabaab ee degmada Kismaayo uu xabsi ka sii daayay qaar katirsan dad iyagu ku eedeysnaa in ay xiriir la leeyihiin dowladda KMG ee Soomaaliya iyo Ururka Raaskaambooni kuwaa oo in ka badan 7 bilood u xirnaa maamulka Xarakada Alshabaab ee degmada Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
hnur@hiiraan.com
Kismaayo, Soomaaliya