ay wararku nagu soo gaarayaan waxay sheegayaan in Ciidamo Nabad Ilaalineed ee laga sugayey Wadanka Seara Leone ee Iminka ku sugan Deegaanka Taabta ay saldhigan doonaan Degmada Bu'aale ee Gobolka J/dhexe.
Waxaa lagu soo waramayaa in ciidankani ay dagaal Qaadi Doonaan, si ay ula wareegaan Gacanta ku haynta Degmada Bu'aale oo ay hadda Gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab.
Ciidankaan oo ku biiri doona, ciidan horay ugu sugnaa Gobolada Jubbooyinka oo ka yimid Wadanka Kenya, ayaa lagu soo waramayaa in Sidoo kale Ciidanka Seara Leone ay hoos tagi Taliska ciidanka AMISOM ee Kenya Ka Jooga.
Ciidankaan oo aan la ogay tiradooda dhabta ah ayaa wata hub casri iyo gawaarida qafilan, hub iyo saanad u tira badan.
http://gedoweb.com/modules.php?name=New ... e&sid=3927