Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku waramayaan in Prof.Maxamed Cabdi Gaandi uu guda galay ololahiisa doorashada xilka madaxtinamad Dowlad goboleedka Jubbaland.Prof Gaandi ayaa maanta kulumo kala gedisan la yeeshay qaar kamida ergooyinka iyo odayaasha kusugan magaalada Kismaayo.
Waloow aan wali la shaacinin tirada musharaxiinta sida rasmiga ah isugu soo taagay xilka madaxtinimada Jubbaland ayaa hadana waxaa jira masuuliyiin saxaafada ka sheegay inay musharax yihiin.Waxaana masuuliyiintaa kamida Sheekh Axmed Madoobe.Sheekh Shakuul,Aw libaax iyo Raadeer.
Professor Gaandi wali muusan sheegin inuu musharax yahay balse wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegayo in Gaandi uu olole siyaasadeed kawado magaalada Kismaayo.
Gudiga farsmada ayaa maalmaha food inagu soo haya ku dhawaaqi doona tirada rasmiga ah ee musharaxiinta isu soo sharaxday xilka madaxweynaha Jubbaland.
Dhanaan.com