Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaadha magaalada Kismaayo ayaa waxa ay tibaaxayaan in khilaaf mudooyinkii jiray oo ku saabsanaa tirada ergada ka qeybgalaysa doorashada madaxweynaha Jubbaland la xaliyay iyadoo la isku raacay in dhamaan salaadiinta iyo odayaasha 15 sadaxda gobol la isugu geeyo garoonka Kismaayo halkaasna ay kusoo xulaan ergada 540-ka ee soo dooran doonta madaxweynaha Jubbaland.
Wararku waxay sheegayaan in salaadiintu dhismo looga diyaariyay garoonka halkaas oo ay ku sugnaan doonaan inta ay kasoo dhameystirayaan xulida ergada 15 degmo.
Hoolka shirka ayaa waxaa ku xaraysan ergo dhan 870 ergo kuwaas oo ka badan intii loogu talagalay inay soo doorato madaxweynaha maamul goboleedka.