Waxaa tariikhdu markay ahayd 27/05/14 heshiis meelo badan taabanaya kala saxiixday Jaamacada Kismayo iyo Jaamacada Nugaal (Las’ano). Dhinaca Jaamacada Kismayo waxaa heshiiska u saxiixay gudoomiyaha Jaamacada Abdikadir Sheikh Mohamed Hikam, ayadoo uu dhinaca Jaamacada Nugaal uu u saxiixay gudoomiyaha Jamacada Nugaal Abdirizak Mohamed Aden (Lafoole).
Labada Jamacadood waxay ku heshiiyeen inay kawada shaqeeyaan waxyaabaha ay kamid yihiin;
1 Inay iska kaashadaan sare u qaadida aqoonta iyo cilmi baadhista
2 Isdhaafsiga macaliminta iyo ardayda
3 Ina ardaydu ay kusmayn karaan cilmi baadhistooda labada jamacadoodba
4 Inay wadaagaan aqoonta maktabadaha iyo wixii la xidhiidha.
Labada jaamacadood waxaa kale oo ay ku heshiiyeen inay yeeshaan xidhiidh joogto ah wixii hada kadanbeeya.
http://www.dhanaanmedia.com/2014/06/jaa ... sixiixday/