Waxaa khadka telefoonka ku wadahadlay wafuudii ku sugnayd Kismaayo iyo Bare Hiiraale wuxuuna Bare Hiiraale wafuuda u sheegay inuu diyaar uyahay in isaga iyo maleeshiyaadkiisaba Kismaayo ku soo xaroodaan.Saaka ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka baxay kolonyo baabuur ah oo ka kooban IGAD,ciidamada daraawiishta Jubaland,AMISOM iyo guddi la beel ah Bare Hiiraale si loo soo xareeyo Bare Hiiraale iyo maleeshiyaadkii ku harsanaa.Dhanaan Media ma xaqiijin karto in wafuudo loo diray Bare Hiiraale ay la socdaan sadaxdii wasiir ee ka socotay Dowlada Federaalka laakiin waxay xaqiijinaysaa in qorshuhu yahay in maanta Bare iyo maleeshiyadiisa lagu soo xareeyo kismaayo.
http://www.dhanaanmedia.com/2014/08/deg ... -goobweyn/