Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

ururka SDRO oo gobolka GalMudug cunto qeybis ka wada

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
cabdi123
Posts: 207
Joined: Thu Mar 29, 2007 4:49 pm

ururka SDRO oo gobolka GalMudug cunto qeybis ka wada

Postby cabdi123 » Sat May 12, 2007 7:37 pm

Ururka Hurumarinta iyo Dib udhiska Somaaliyeed ee (SDRO) oo cunto qaybin balaaran ka wada degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaada deegaanada dawlad goboleedka Galmudug State.
May,12,2007 www.Hobyoradio.com

Shixnadan cuntada ah oo uu qaybinayo ururka SDRO oo wada shaqayn la lehhay'adda Care International ayaa waxa ay cuntadan ka qaybinayaan goobo fara badan oo katirsan deegaanada hoos yimaada dawlad goboleedka gal mudug state, oo iskugu jira degmooyin iyo tuulooyin.

Macawinadaan oo ay keentay hay'adda Care International ayaa si dar der leh uga socataa degmooyin ka tirsan gobolka mudug, ayadoona macaawinadaan ay iskugu jirto qaybo farabdan sida; misir,Masago,boorsh, iyo waliba bacaha roobka laga galo, oo aad moodo inay xiligaan siweyn u anfacayso daka danyarta ah maadaama la galay xili roobaad.


wakiilka ururka SDRO ee gobolka GalMudug Mudane, Cali Dahir Maxamud Xirsi oo asagoo ku sugan xaafiiskiisa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolak mudug aan wax ka waydiiyay cida la siinayo macawinadaan iyo goobaha la gaarsiinayo ayaa ugu horayntii Umahad celiyay shbakadda hobyoradio asagoona ku amaanay hawlaha hor umarka leh ee ay fulisay gobolka mudug oo ay ka haqab tirtay dhinaca wararka iyo ka hadalka arimaha bulshada, Cali daahir ayaa waxa uu sheegay in macawinadaan ay tahay mid loogu loogu talo galay in ka badan kow iyo toban kun iyo sagaal boqol oo qoys(11,900) ku waas iskugu jira dad ku soo barakacay dagaaladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya oo dad badan oo ka soo qaxay ay haatan ku sugan yihiin degmooyin ka tirsan gobolka mudug iyo Hobyo waxaa sidoo kale macaawinadaas qayb ka ah buu yiri Cali Daahir dadka la siinayo iyo kuwo kale oo ku xoolo beelay abaarihii isdaba jooga ahaa ee ka dhacay gobolka mudug. cali daahir ayaa intaasi ku daray in Macawinadaas laga gaarsiinayo dhamaan deegaanada Galmudug , sida; Magaalada gaalkacyo oo hadaba ay ka socoto hawsha cunto Qaybinta ah, Galinsoor,Bandiiradley, Sedex higlo,Dagaari,Hobyo,Wisil, iyo degmooyin kale.

Wakiilka ururka Horumarinta iyo Dib udhiska Somaaliyeed Mudane, Cali Dahir waxa uu sidoo kale xusay in aysan ahayn markii koowaad ee ay deegaanada gal mudug cunto ka Qaybiyaan ururkoodu balse ay dhawr mar oo hre ay sidaan oo kale. cuntadan keentay hay'adda Care International uu ururkooda qeybiyo gaarsiiyana goobihii iyo dadkii loogu talagalay, iyadoo shixnadan.

Dadweynaha ku nool deegaanad Galmudug State ayaa si diiran u soo dhaweeyey waxqabadka ay ururada dawliga iyo kuwa wadaniga ah ay ka wadaan gobolka taas oo kor u qaaday dhaq dhaqaaqa ganacsiga iyo horumarinta arimaha bulshada ah.


Cabdalla Maxamed Cabdille
cabdalla45@hotmail.com
Gaalkacyo,Galmudug State

Hobyo Radio News Media

User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Re: ururka SDRO oo gobolka GalMudug cunto qeybis ka wada

Postby Karbaash_killa » Wed May 16, 2007 1:01 pm

Maasha allah Very Happy


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Mudug”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests