http://hobyonet.com/May/May_17_shir%20beeleed.htm
Shir ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen Beelaha Sacad iyo Saleybaan ayaa lagu qabtay Hotel Daamey ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu taageerayay adkeynta iyo Midnimadda Labada Beelood.
Hobyonet. Muqdisho Khamiis, May, 17, 2007
Shirkaasi oo ay qaban qaabiyeen Siyaasiyiinta Prof. Max'ed Faarax Jimcaale iyo Xuseen Siyaad Faarax (Qoorgaab) ayaa waxaa lagu casuumay ilaa 100 qof oo labada beelood ah.
Shirkaasi waxaa lagu wada ballamay in labada dhinacba ay ka shaqeeyaan horumarinta beelaha iyo ka hortaga khilaafaadka waxyaabaha keeni kara.
Shirkaasi ayaa waxaa ka hadlay Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Waxgarad iyo haween labada dhinacba ka socday, waxeyna muujiyeen in ay ku faraxsan yihiin harumarka laga sameeyay wadahadaladii ay ku yeesheen labada beelood magaalooyin ku yaal Gobolada Mudug iyo Galgaduud.
Shirkaan ayaa waxaa si gaar ah loogu talagalay in ay adkeyntiisa ka qeyb qaataan iyo xaga ka qeyb galka shirka dad ka socda labada dhinac oo ku sugan Magaalada Muqdisho, taasi oo aheyd mid si weyn loo daneenayay.
Munaasabda shirkaasi oo si weyn la isaga xilsaaray ayaa waxaa ka muuqda goobta shirka muuqaal wanaagsan inkastoo labada dhinac siyaasiyiin ka mid ah ay sameeyeen qaban qaabada iyo isku keenida labada beelood.
Maslah Osman
Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya
Maslaha1@hotmail.com




