Wasiirka Arrimaha gudaha GalMudug oo been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaammay warar ay warbaahinta qaarkeed dhawaan qortay oo sheegayay in GalMudug laga weerarayo meelo ka tirsan gobolka Gal-guduud.
MudugNet, Muqdisho. Talaado, May 22, 2007.
Wasiirka Arrimaha gudaha ee dawlad-goboleedka GalMudug mudane Muxyaddiin Macallin cali ayaa waxba-kama jiraan ku tilmaamay warar ay baahiyeen dhawaan warbaahinta qaarkeed oo sheegayay in ciidammo iskugu jira Puntland iyo GalMudug ay magaalaooyinka Galliinsoor iyo bandiiradley uga duulayaan Meelo ka tirsan gobolka Gal-guduud ee bartamaha Soomaaliya.
Wasiirka arimaha gudaha Dawlad-goboleedka GalMudug mudane Muxyaddiin Macallin cali , oo shalay iigu warramayay xafiiskiisa magaaladada Gaalkacyo, ayaa ku nuuxnuuxsaday in Galliinsoor iyo bandiiradley aysan shaqo ku lahayn Puntland hal qofna uusan ka joogin. wuxuuna wax aan dhici karin ku tilmaamay in GalMudug ay ciidammo Puntland ah u raacdo Weerar lagu qaado tolka daggen magaalooyinka Cadaado, Guriceel, Matabaan, Dhuuso-marreeb, Ceel-buur iyo Xarar-dheere, sida uu qoray Website-ka waagacusub caddadkiisii soo baxay maalintii Axadda ee bisha May ay ahayd 20-ka. wuxuuna sheegay inay isku hiil yihiin beelaha GalMudug iyo beelaha deggan degmooyinkaas kor ku xusan ee ka tirsan gobolka Gal-guduud.
Mudane Muxyaddiin Macallin Cali ayaa u soo jeediyay wariyayaasha iyo tafaf-tirayaasha Soomaaliyeed inay iska ilaaliyaan hallada mala-awaalka ah. islamarkaana ay iska hubiyaan sugnaanta wararka ay baahinayaan. wuxuuna yiri "haddii wargayska ama idaacadda amaba website-ka been looga barto cid warkiisa akhrisanaysa ma jiraan".
Calideeq Max'ed Xaashi.
nabadda1@hotmail.com
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya,



