Mid Ka mid ah dhakaatiirta ka hawl gasha isbitaalka weyn ee Gaalkacyo dhanka Galmudug State oo ka warbixiyay marxalada uu isbitaalku hada marayo.
May,29,2007 www.Hobyoradio.com
Dr. Maxamad Amiin Cabdi Kariin oo ah madaxa dhakhaatiirta Galmudug State isla markaana ka mid ah dhakhaa tiirta kahowl gala isbitalka Gaalkacyo dhinaca Galmudug State oo waraysi siiyay wargayska AL.Bader ee ka soo baxa Gaalkacyo ayaa ugu horayntii umahad celiyay saxaafada gobolka Galmudug isagoo kawar bixiyay xaalada guud ee ibitaalka.
Dr.Amiin ayaa sheegay inisbitaalku uu soo maray marxalado kala duwan isagoo hada kujira xaladii ugu wanaag sanayd ee dhinaca shaqada uu uhayo bulshada Soomaaliyeed, Dr. Maxamed Amiin Cabdi Kariin ayaa intaa raaciyay in isbitaalku ka kooban yahay dhamaan qaybaha laga maar maanka u ah adeeg isbitaalak sida: qaybaha qaliin ka,hooyada iyo dhalaanka ,quudinta,shaybaarka,caruurta, umulisada,(o.p.d),TB iyo qaybaha dadka waa wayn oo ukala qaybsan Rag iyo dumar.
Dr. Amiin oo an wax ka waydiinay tirada dhaqaatiirta ka hawl gasha hospitalka ayaa sheegay in ay yiihiin 7dhaqtar oo iskugu jira 4 Soomaali ah & 3ajnabi ah kuwasoo dhamaan kawada tirsan hayada MSF Holan Dr.Amiin oo kahad layay cudurada ay badanaa kadaweeyaan bukaanada loo keeno ayaa ku nux nuuxsaday inay ku xiran tahay hadba da,da & nuuca bukaan ka isaga oo sigaara usoo qatay cudurada shuban biyoodka, niimooniyada ama dhiig la anta & TBda
(dadku waxay nooga yimaadaan dhamaan gobolda Soomaliya sida: Hargaysa, boosaaso, gobolada dhexe,Baay iyo Bakool, iyo kilinka 5aad ee ismaa mulka Soomaalida ee Itobiya)ayuu yiri Dr.Amiin mar aan wax kawaydiinay halka looga yimaado hospitalka asogoo in taasi siiraaciyay inay qaabilaan in kabadan 1000qof us buucii
Dr.Amiin oo kahadalay caqabadaha ugu waa wey ee soo wajaha hospitalka ayaa si kulul u weeraray wax uu ku shee gay shaqo qori lagu doonayo taa oo ka turjumaysa sida dad ku u fahan sanayn muhiimada hosbitaalka
Dr. Amiin ayaa ugu danbayn tii ugu baaqay shacab ku nool Galmudug in ay waxbartaan taas oo ah tan kaliya oo ay ku fahmikaraan buu yiri doorka isbitaalka.
hospital ka Magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug State ayaa la aas aasay sanadii 1999 isagoo u qabta shacabka Soomaaliyeed adeegyo caafimaad oo lacag la aan ah, isla markaana bulshada ku noola Galmudug State ay ay yihiin kuwo ka faaidaystay maadaama uu ay heleen isbitaal ay ka helayaan dhakhaatiir, daawo, jiif, iyo wixii soo raaca oo adeeg ah, oo aan wax qarash ah haba yaratee aan laga qaadin, ayadoona dhakhaatiirta iyo shaqaalaha isbitaalku ay yihiin kuwo har iyo habeen utaagan u adeegida bulshada Soomaaliyeed.
Cabdalla Maxamed Cabdille
cabdalla45@hotmail.com
Gaalkacyo,Galmudug,Somalia,
Hobyo Radio News Media


