Madaxweynaha DG GalMudug State Prof. Max'ed Warsame Cali Kiimiko iyo Wafti uu hogaaminayo oo soo gaaray gobolka Minnesota.
Madaxweynaha DG GalMudug State Prof. Max'ed Warsame Cali Kiimiko iyo Wafti uu hogaaminayo booqosho ku yimi dalka Maraykanka ayaa soo gaaray gobolka Minnesota magaalada Minneapolis.
Waftiga uu maadaxweynuhu hogaaminayo ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Maaliyada GalMudug State Mudane Ahmeddahir C/kariin Nuur. Lataliyaha Madaxweynaha Mudane Qaasim Olaad Dhicisow iyo Mudane Cabdirashiid Cagaweyne.
Jaaliyada GalMudug State ee gobolka Minnesota ayaa Madaxweyne Prof.Max'ed Warsame Cali (Kiimiko) iyo Waftigiisa oga hortagay gagida Caalimaga ah St-Paul- Minneapolis.
Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa isla markiiba u gudbay Magaalada Rochester ee gobolka Minnesota.
Waftiga uu hogaaminayo Madaxweyne Prof. Max'ed Warsame Cali Kiimiko oo booqosho ku yimi dalka Maraykanka ayadoo la filayaa inuu socdaal ku mari doona W/amerika iyo Yurub.
C/aziz Xogolof
Minneapolis , MN
http://www.hobyoradio.com/6,11,71Shirweyne2.htm
http://www.hobyonet.com/june/june_12_kiimiko.htm
http://www.mudugnet.com/News/2007/June/ ... iimiko.htm



