Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Duco iyo Dardaaran kusocota Dadka iyo (DG) GalMudug State

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Duco iyo Dardaaran kusocota Dadka iyo (DG) GalMudug State

Postby Karbaash_killa » Tue Jul 24, 2007 5:24 am

Duco iyo Dardaaran kusocota Dadka iyo DG GalMudug State

Bisinka ku bilaabay hadalkayga aan ban dhigay
bayaana u sheegay beeshayda waxaan ka rabo
bira binaas iyo iqlaas baalashaan ka dhigay
burdaha yaasiinka iyo bayd kastaba aqriyay
baryada eebiyo quraankoo dhan soo baraxay
balada ka xijaabo baqaraan ku soo af jaray
ee ilaahaw baari reerkeena samata bixi


Waryaa Mudug dhalayoo maalkooda lagu dhaqaa
waryaa odayadii matalayoo maqsuud ka nahay
waryaa ceebtaan la mooreeyay nooga maqan
waryaan sacad kala midaynoo masuul xajiya
waryaan maandeeq hasheenii dad maalinayn
waryaa magaceeni dheeraa madaw ku ridin
waryaa dumarkaan madoobaaday murugo tira
waryaa dhaawaca maryaadaaya mira u gura
waryaa culumada daweeyoo dagaal ku shidin
waryaa odayaasha soo daalay darin u dhiga
waryaa dhaawaca dab saarayn dawana u gada
waryaa dayd wayn u meegaara dhulay dagaan
waryaa anfaca u diyaarshoo dukaan u fura
waryaan kala dooranayn oo kula darnaan


Calankii loo ciidmoo cabdulaahi ciil u maray
ciriirka u galayoo cadawgii ka soo ceshaday
soomaalida caynshay maantii la ciirsanaa
caleemo ubax liyo intuu ciidan heli lahaa
cidla in laga qaadto caqligiina see ku tahay

Gal mudugow libin ku geeraara gu iyo dayr
geediga sii wada ilaah haydin garab galee
go'aan ku wada gaara gobolkiina inaad dhistaan
nimanka guureeya oo geesta kale u gala
habeenkii gudayo hadalkiina sii gubiya
hadaan geed lagu xirayn gaabis baa tihiin

Marsada hobyo gadan hadaan maamul loo samayn
maraakiib gooshta iyo miigu samada marin
dadkeenu mushaaxinoo uusan noqon maqsuud
ragaad mariseen magtii waa inaan helaa
hadii kale mudanayaalow ma muuqataa
ee masuulkaad noon sidaan maanta dhiga halkaan

Dhulkeenaan baaxada leh oo barwaaqdaa
badana qayraadku buuxoo aan lala baxayn
batroolku ceegaago gaaskii banaanka yaal
bulshadu baahida la joogtoo basaasan tahay
baabuurta lagu aadin wadadiina baaba tahay
ragii beeshaas ka yimid aysan booqanayn
war baashiyada Sacad siciidow u wada birmada
balana iga qaada hadalkayga aan ban dhigay

War geesiyaashii Galmudugow ha gaabinina
aduunkuna idin gargaaryoo idiin gurmade
oo ilaahay guule gacantiisa idinku qabay
gabolka mudug iyo halkaad gaara ahaan dagtaan
gadaal sama iyo ku noolaada guul ilaah
malaaiga gaara rabi geesihiina gali



Allow Soomaali idilkeed ijaabo sii
kala irdhawgiyo alow eedihii ka saar
nin walba aamino midkay ood wadaag yihiin
islaan baanahaye ducadeena naga ajiib

Alow maandeeq la maaloo la mahadiyaa
ilaahow mowquf Soomaalidoo ku mida
kuna mataanowda calankeena magaca dheer
macbuud baa tahaye minalaahi laga aqbalo
dadkeenii kala maqnaa maalin uu kulmaa
ana amaan iyo mashxarad meesha aan ka tumo

Alow calankeena bulugaa cid kale ha siin
alaw naga caymi cadawgaan u soo cubtamay
soomaalida caam ahaanoo dhan nabad u curi
casiis baa tahaye carshigaada laga aqbalo
alow carabkaan ku sheegaayo ciriq ha galin
cadaabta ka ilaali cisa wayna iigu dheeh


Maryan Warsame Cowl

Awatana, MN

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Mudug”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest