Page 1 of 1

Maxaa ka soo baxay Skirkiii Bandiiredley? Daawo Sawirada(pic

Posted: Fri Nov 16, 2007 2:00 pm
by Dr.Galbeyte.
Shirweyne 2 Bilood Socday OO Bandiiradleey Lagu soo Gunaanaday 21 Qodob iyo 36 Guddiyo OO Lagu Go’aansaday.{Daawo Sawirada} by wariye Cabdlle.


Nov,16,2007 www.Hobyoradio.com


Degmada Bandiiradleey ayaa 11kii Bshaan waxaa lagu soo gunaanaday shirweyne ay ka qayb galeen oday dhaqameedyada jufooyinka deegaanka,Culumo awdiin,Ganacsato,Saraakiil ciidan iyo dhallinyaro ,kaas oo looga hadlay dhibaatooyinka deegaanka Gobolka Mudug ka jira ee ay ugu horraysay nabad galyo xumida ,maamul iyo kala dambayn la,aanta.


Shirweynahaan oo qaab dib u heshiisiin iyo khilaafyo xalin loo maray ayna wada jir u hoggaaminayeen Culumo awdiinka waawayn iyo Salaadiinta ayaa lagu go,aansaday in si buuxda wax looga qabto dhinaca nabad galyada iyo in dadweynaha ku safra waddada isku xirta Gaalkacyo ilaa Galliin soor oo dhirirkeedu dhan yahay 95 Km laga dulqaado dhibaatooyinkii ay kooxa hubaysani baadda kaga qaadi jireen muddada ka badan 2 sanadood.


Si loo fuliyo go,aamada la gaaray oo dhammaan 21 ayaa la sameeyay 36 xubnood oo isugu jira guddiyada Marjaca,Garsoorka Islaamka ,Amniga iyo Dhaqaalaha oo muddo 3 bilood ah si amar janso ah u shaqaynaya hoosna tagaya GuddoomiyahaGobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Gal Mudug.


Si go,aannadaasi loo meel mariyo gaar ahaan nabad galyada waddada isku xirta Gaalkacyo ilaa Galliin soor ayaa haatan waxaa waddadaasi si roonto ah ugu gaaf wareegaya ilaa 5 tagniko ah oo ay saran yihiin ilaa 60 ciidamo la soo xulay ah,Iyadoo ay dhinaca kalana socdaan shirar iyo kulamo kala duwan oo lagu meel marinayo go,aannadii lagu gaaray Bandiiradleey 11/11/200 Shirweyne soo biloowday 11/9/2007. ayaa xafladda lagu soo agunaanadayay waxaa ka hadlay culimo udiin, masu’uliyiin, wax garad, saraakiil, ganacsato,Abwaano, iyo qaybaha kala duwan ee ururada bulshada waxaa masuuliyiintii kahdashay ka mid ahaa Sheekh Cali Axmed iidle {sheikh cali Afyare},sheikh cabdi risaaq Macalin Saciid,Sheekh Mursal cilmi dhagood,Gudoomiyaha gobobolka Mudug ee Gal-Mudug State mudane Xasan faarax Barre,kusimaha madaxweyanaha Gal-Mudug Cabdi Zamad Nuur Guuleed, Gancsade Cabdi kariin sheekh Axmed,Gancsde ilkacase,G/Sare xabeeb,G/Dhexe Afgub, Abwaan Cali Deeq Maxamed Xaashi,Abwaan Axmed cismaan, iyo xubno kale oo dhamaantood soo dhaweeyay go’aanada wanaagsan ee ka soo baxay shirka mudada dheer loo fadhiayay ee ka socday deegaanka bandiiradley oo u muuqda ina laga gaaray guulo wanaagsan.


Waxaa xuisd mudan in goobta shirku uu ka oscday aysan ahayn guri,hotel, iyo meelihii waayadaan danbne loo bartay in shirarka lagu qabto ee goobta shirku ka socday ay ahayd geed Qurac ah hoostiis oo walib geedka loogu magic daray {SHINBIRAALE} Maadaama geedka uu ahaa mid aad ushinbira badan.


Abwaan cali deeq Max’d xaashi oo ka mid ahaa Abwaanda goobtaasi ka tiraiyay gabayga ayaa amaan deer usoo jeediayay dakii shirkaasi qabtay ee dhaqaalohooda ku belay gaar ahaan jufada reer cabdlle sacad oo lahaa gogosha shirweynihii guulaha laga gaaray, cali deeq waxa uu quraacaasi u tiriyay gabay gaar ah waxa uuna geedka shirku ka socday uu siiyay magaca ah QURAC IJAABO Qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka mudag ayaa soo dhaweeyay go’aamada ka soo baxay shirkaasi waxayna sheegeen in ay la shqaynayaan daka ka shaqaynaya hawlha amaanka lagu hagaajinayo.

Cabdalla Max’d cabdille
Hobyoradio,Galakcyo,
Gal-Mudug State of SOMalia,

http://www.hobyoradio.com/11,16,71Bandiiradleey.htm

Re: Maxaa ka soo baxay Skirkiii Bandiiredley? Daawo Sawirada(pic

Posted: Fri Nov 16, 2007 4:23 pm
by Luq_Ganane
Walee Sacadku waa didaalayaan up Laughing

Re: Maxaa ka soo baxay Skirkiii Bandiiredley? Daawo Sawirada(pic

Posted: Fri Nov 16, 2007 10:38 pm
by Af_libaax
Dr.Galbeyte

Bulshoweynta Galmudug waa inay dadaalka badiyaan , marka Nabadgalyada la hagaajyo arimaha Nolosha inteeda kale wax waa laga qaban karaa gaar ahaan dhinaca waxbarshada degmooyinka Galmudug ka kooban tahay oo dhan ! Xaalada dalku ku sugan yahayna waan la wada soconaa meel waqti dhow laysku haleyn karo maahan,, .

Marka waxaa fiican in warcad la siiyaa mas'uuliyiinta Galmudug inay qurba jooga yareeyaan oo ay shaqada loo xilsaaray si hagar la'aan ah u gutaan , Odayga Kiimiko waan jeclahay sida taxadarkaa ee uu wax u wado , laakin Xaaladiisa caafimaad ayaad moodaa in shaqadiisii la gaabinayso . Reer Caddella markan curadnimadoodii ayey Muujiyeen .

Luq_Ganane

Oday waa kusidee shirkii reerka Adigaaba iigasoo hormaray Xaggee Nin yahow ka xididnaa !

Re: Maxaa ka soo baxay Skirkiii Bandiiredley? Daawo Sawirada(pic

Posted: Sat Nov 17, 2007 1:23 pm
by Dr.Galbeyte.
Af libaax..

Nabadgalyo is N'1 on the Agenda.. and soo far significant steps have been taken.. and thats an aspect of GMS future that looks very promosing..

Laughing

Odeyga Caafmaad darro miyaa hayso mise sharciga ayaa la isku hayaa?

Re: Maxaa ka soo baxay Skirkiii Bandiiredley? Daawo Sawirada(pic

Posted: Mon Nov 19, 2007 6:53 am
by cabdi123
dhulki Galmudug dadka kusoo batay.meel dad ku batayna dhibka ku bata.Waa in nabadgalyada la adkeya.

Respect to curadka cabdala for the work they did.The city Bandiradley has got biger masha alah.

Re: Maxaa ka soo baxay Skirkiii Bandiiredley? Daawo Sawirada(pic

Posted: Wed Nov 21, 2007 4:23 pm
by cabdi123
http://www.hobyonet.com/November/21-gaalkacyo.htm

http://www.hobyoradio.com/11,20,71Xeerka-Galmudug.htm

xerarka this ones I like the most

1. Ilaalinta Iyo Ku Dhaqanka Shareecada Islaamka.

13. Burcadda Cadaysatay Ku Xad-gudubka Shareecada Islaamka Sida.;
Dilka, Dhaca, Kufsiga, Jidgooyooyinka, (isbaarooyinka) Iyo Hor-Istaagga
Howlaha Danta Guud, Ciddii Isagoo Falkaas Faraha Kula Jira Ciidanka
Nabadgelydana Ugu Yimaadaan, Iskuna Dhiibi Waaya, Ee La Yimaadda Weerar
Dagaal Ah.

Wixii Ku Gaara Waxaa La Ogaysiinayaa In Uusan Wax Xaq Iyo Xuquuq Toona
Lahayn.

14. Askarigii Kudhinta ama Ku Dhaawacma Isagoo Fulinaya Amarka Maamulka Ee
Waafaqsan Sharciga Islaamka, Waxaa Xaqiisa Bixinaya Maammulka Oo La
Kaashanaya Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Sacad. Waxaana Looga Digayaa
Askarigii Ku Dhaqaaqa Isagoo Aan Amar Ka Haysan
Madaxda Iyo Maamulka, Ee Fal Gaysta,Waxaa Lala Tiigsanayaa Sharciga
Islaamka

• Shaqsigii Ama Kooxdii Mucaaradad Uga Horyimaadda Hawlaha Danta Guud Iyo
Maslaxadda Ummadda Sacad iyo Guddiyadooda Iyo Tan Dawlad-goboleedka
Galmudug, Ugana Hor-yimaadda Af,Gacan, Dhaqaale, Mucaaradad Qarsoon Iyo Mid
Bayaan Ah,

Waxaa La Ogaysiinayaa In Lagu Fulin Doono Shareecada Islaamka Ciqaabna Uu
Mutaysan Doono

18- Beeshu Waxay Si Cod Buuxda U Taageertay, Dawlada Goboleedka Gal Mudug Oo Ay Horay Wax Uga Dhisteen Beesha Iyo Beelo Kale

Re: Maxaa ka soo baxay Skirkiii Bandiiredley? Daawo Sawirada(pic

Posted: Thu Nov 22, 2007 12:06 am
by Af_libaax
Dr.Galbeyte

Galmudug arimeheedu si fiican ayey u socdaan , dhalinyaradii qashqashaada wadayna xerooyin ayaa lagu xereeyey si dhaqan celin loogu sameeyo , midkan Xun ee Odaygii Jaamac Seed dhalay ayaa dhuuni qaate noqday . teeda kale sharciga laysku haysto ee aad i waydiisay waa maxay ? Anigu waxaa maqlay Odaygu inuu Caafimaad xumo u maqan yahay ! -- dee mar dhaw halkan iga filo inaan lasoo galo magacyaddii Reer hilowle ee qatarta ahaa sida -- Dr.Bulaale inkastoo Reer Ayaanlle idinla wadaagaan ama Dr.Kullane how about Dr.Dhalbaas qatar Cadiim .

.

Re: Maxaa ka soo baxay Skirkiii Bandiiredley? Daawo Sawirada(pic

Posted: Thu Nov 22, 2007 4:29 pm
by Dr.Galbeyte.
Af libaax .. thanx for the update sxb..

Nabadoonka wiilkiisa waaa ina lasoo qabtaa si kale xal laguma helaayo.. waa naxay amrkuu sheegtay suldaanimo of HG Laughing

About Shirka... why wasnt the last and most crusial point disclosed?
Inca Caydiid had hundreds of millitia stationed in Galinsoor and they hosted the dabaayo for TFG.
Now that Galinsoor saga is over and we have hundreds of reer jalaf boys in daqan celis that then will be given training to join GMS forces... they should have proudly boasted!! Or maybe that would cause some unnessery attension.

If you going to take on a new name.. i would advise .. a sophisticated "HEBEL - DIID" LOOL ..
and put a Prof. infront of it..to distance your self from the Mosters... becasue Doctoorayaasha wey soo batteen ayaantaan. Laughing

BTW did you hear what incident in Hobyo..?

I'm hearing different reports but.. when I spoke to some sources they only confirmed..that Millitias have joined the police force after detaching from cadaado.. So i will be attending a meeting next week out of pure curiosity to play the witness in meeting with some saleeban elders who expressed intrest to discuss about their role in hurumarinta Hobyo Cool