Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ladiid Iyo Lafo Tanade * THE kIngdom*

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Ducaysane_87
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3997
Joined: Sat Jun 06, 2009 1:38 pm
Location: Financing the Handcutter Company of Ina Godane

Ladiid Iyo Lafo Tanade * THE kIngdom*

Postby Ducaysane_87 » Sun Sep 06, 2009 9:06 am

Ladiid Iyo Lafo Tanade


Caawa waxaan ka sheekaynayaa sheeko aad u fac wayn oo salka ku haysa taariikh aad u qoddo dheer. Waa taariikh dahsoon oo Somali badankeedu aysan ogayn. Waa silsilad soo taxnayd qarniyo badan. Waana taariikh wiil aabe ka dhaxalay, aabbena aweewe ka dhaxlay.

Sanadihii tegey iyo saanteenii aan dib u raacno, qarniba qarni aan uga gudubno, dhalashadii Axmed Gurey aan sii dhaafno. Tonabeeyo qarni ka badan aan saacada dib u celino. Odaygii Daarood ahaa oo nool aan u tango oo sheekadeenu halkaas ha nooga bilaabato. Odaygii Daarood ahaa wuxuu dhalay shan wiil. Shantaas wiil kan dhexe waxaa la oran jirey Tanade. Tanade waa ninka ay ka farcameen Qabiilka Somaliyeed ee la yiraahdo Leelkase.

Waxaa nagu maqaalaa oo tariikh ahaan nagu soo gaadhey in Tanade uu Abihiis Daarood gacan yare u ahaa, aadna uu ugu dhega nuglaa. Gaboow iyo geeribaan nina gees marayne, Odaygii Daaarood ahaa wuu jiradey, wuxuuna garwaaqsaday inuusan aduun soo joogayn. Daarood oo tacnaab ah ayaa Tanade oo ag fadhiya ku yiri, aabbe anigu aduun waan ka jiitaye waxaan kuu sheegayaa meeshii aan ku aasay dahabkaygii. Tanade oo ilmaynaaya ayuu Daarood u sheegay kobtii uu dahabku ku aasnaa. Daaroodna isla saacadii gudaheedii buu xijaabtey.

Tanade oo Daarood maydkisii ku dul ooyaaya ayaa waxaa u yimid afartii wiil oo walaalihiis ahaa. Aaskii Daarood ka dib ayay afartii wiil gees ula baxeen Tanade oo waydiiyeen Dardaarinkii odayga iyo dahabkii meesha uu ku xasaysan yahay. Tanade wuxuu ku jawaabey, Aabbe dahab igalama hadlin. Afartii wiil marumaysan hadalkaase Tanade way buga-bugeeyeen, warse ka heli waaye. Markii dambe ayay inta isu qabteen dhinaca dhulka u dhigeen mindina hunguriga ka saareen, waxayna u sheegin hadii uusan sheegin meesha uu dahabku ku jiro inay biraynayaan, Tanade wuxuu ku jawaabey “DHULOOW DHAXAL”.

Afartii wiil halkaas waxaa uga cadaatay in Tanade uusan sheegaynin meesha dahabku ku aasan yahay. Subag weel ku daatay sina uma xumaane, waxaa kaloo wiilasha is tustay, dahabku intuu lumi lahaa in ay roontahay in walaalkood dhaxlo. Waxayna go’aan ku gaareen in Tanade aan wax dhaxal ah laga siin xoolaha intooda kale oo ay afartoodu qaybsadaa. Sidaas bay u sheegeen Tanade wayna iska sii daayeen.

Muddo ayaa ka soo wareegtey Tanade iyo wiilashii kaleba waa guursadeen caruur bay dhaleen, inkastoo ay isku degaan ahaayeen hadana way kala wareegi jireen, Tanadena dahabkii buu hoosta ka dhuuqi jirey. Waxaa dhacday in Tanade guursadey dumar badan dhalayna caruur aad u badan, caruutiisiina caruur sii dhashay.



Tanade oo da’wayn jira ayaa wuxuu soo gaarey caruurtiisii iyo caruurtay dhaleen oo boqolaal gaadhey hanti aad u badana yeeshay, ileen waa dad dahabakii Daarood u dhitaysan yahaye. Markay dadkii bateen ayaa loo baahday xukun iyo boqortooyo dadka kala hagta, waxaana maal iyo dad badnaan ku qaaday masuulkaas Tanade warasadiisii.



Amminkaas Somali badankeedu waxay ku noolaayeen Bari, waxaana ka aasaasantay Bari Boqortooyo Tanade. Boqortooyadaas waxay soo jirtey mudoo ilaa iyo hada laga joogo todobo boqol oo sano ku dhawaad. Waa boqortooyadii reebtay maahmaahda ah.

“Nin tollwaayey Tanade sheegay” oo micnaheedu yahay, ninku markuu nafta u yaabo oo cadawgii u gacan galo oo uu is yiraahdo maanta laguma daynaayo, waxa keliya oo uu ku fakan jirey waa inuu yiraahdo Tanadaan ahay , boqortooyadaas cabsi laga qabo darteed baa ninkaas lagu siidayn jirey.



Boqoradii Tanade kii ugu dambeeyey waxaa lagu sheegaa magaciisa Diiftire oo uu micnaheedu yahay daaltire. Todoba qarni ku dhawaad ka hor ayay Somalidii ku hoos noolayd boqortooyada Tanade tashadeen oo duulaan culus ku qaadeen boqotooyadii, halkaas ayaana lagu laayey kumanaan kun oo Tanade iyo taageenayaashoodii ah.

Lafihii dadkii la laayey waxaa lagu aasay meel Bari ku taal oo ilaa hada lagu magacaabo “LADIID IYO LAFA TANADE”



Kala qaxii dagaalkaas keenay ayay Tanade ku kala yaaceen, waxayna u kala qaybsameen dhawr qaybood oo kala ah. Korshe iyo Warodhaqo oo u qaxay xagga Itoobiya iyo inta kale oo somaliya ku kala firirsan. gaar ahaan Mudug, Bari ilaa iyo Buur-hakaba.



Dagaalkaasi Tanade ama Leelkase wuxuu u noqday tusaale aan la’ illoobi karin oo tusay cawaaqib xumada ay leeyihiin amarkutaaglaynta iyo Alle ka fogaadku. Waxaa u cadaadtay in xoog kasta oo aad leedahay iyo xoolo kasta oo aad leedahayba maruun taladu kaa liicayso. Waa sida uu Qamaan Bulxan ka gabyey sheeko la mid ah sheekadaan Tanade, Waana kan gabaygii Talla Aduun.

Toolmooni hadal waa inuu tol u dhexeeyaaye
Tuushkii xun iyo wiil yar waa la isla tiirshaaye
Waa laysku wada tiirsan yahay sida tis oodeede
Taabbaa la sii furi hadduu kibir ku taabtaaye
Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha

Tamed aad ah adigoo tagoo faro ku taagaystay
Tunka yaa kusoo qaban haddaad tered ku xaajooto
Tarsigii la joogaba haddaad turuqdo kii aad ah
Mid unbaa tusmada kaa raroo lagugu taagaaye
Wallee ina raggow tallo adduun taada uun ma aha

Wiil taaninimo loo qiray oo sida tarmiiggaas ah
aan lagu tawixin oon lagdini timaha boodhaynin
Mid unbaa tab kula soo baxoo laga tixraacaaye
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha

Tufta iyo tahliishii wadaad culimo towxiidka
Tacdaariye haddii awgayow lagugu tiimeeyo
Mid unbaa tembiih soo dhigtoon tacajib yaabnaaye
Oo tuug ka dhiga kaan lahayn waa tixdii nabiye
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha

Haddaad kaligaa inaad taajir tahay tuhunto uurkaaga
Toodoowga xoolaha ninbaa tulud kusii dheere
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha

Tafa xaydka xaajada haddaad taqasho waayeelka
Tolkaad riixday aaqibi haddaad yaraha taabsiiso
Mid unbaa tallahida marooy tiisa noqotaaye
Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha

Tobonkii kob joogtaba haddaad turuqdo kii aad ah
Kan danbaad signiin tahay inuu kugu tubeeyaaye
Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha


Tanade waxay u jeesteen xag Ilaahay oo aduun waa ka sii jeesteen. Waa waxa ilaa iyo hada Somali oo dhan u aaminsan tahay in Leelkase ama Tanade uusan rabshad jeclayn.

Sheekada waxaan ku soo gebagabaynayaa gabay aan anigu taariikhdaan ka tirishey.

Gabaga magaciisi waa Taariikh



Somali xukun bay turaanturaynaysey, tan iyo waaqeede
Taliskii yimaadaba maalin bay, tabcada la helaane
Taraashkayna ku ridaa waxay, mudo tabcaysaye


Boqorkii Diiftire loo tashaday, todoba qarni hortoode
Tanaduu ka dhashayoo Somali baa, taageero u ahaaye
Aduun buu ku tamashlayn jiroo, taliye ka ahaaye


Tiir adag inuu ahaa bay, suugaantu tebisaaye
Nin tollwaayaa la oran jirey, Tanaduu sheegtaaye
Somali timaha ka badan sow, galab ku ay tuunsan


Tobanaan kun bay dileenoo, togga ku laayeene
Qalfoofka tuban Bari waa, taariikh dahsoone
Ladiid iyo lafa Tanade, sow taaladoodii maaha?


Sayidkii tabaarag akhriyey, Taleex ka soo duulye
Toobke caana kolkuu dhamoo, toorayda afaysto
Tusbax iyo qori asagoo watuu, Torog halabsan jiraye


Isticmaarku tubtuu degan yuhuu, u tafa xaydan jiraye
Tukasho mooyee ma ledi jirin, jeeruu gush taaboe
Koofiloo kibir la tiictiicayuu, tunka kaga istaagaye


Hadaysan Somali toosh ku ifinoo, toogtiisa sheegaynin
Ingiriis taano kama qaadeen, Sayidkii toolmoonaaye
Taaka somaliyeed sow, daraawiish kuma taqraarmin?


Tawradii Siyaadee sidii, todob di’i hilaacaysey
Talantaaliga midii loo wade, laysugu tahniyadaynaayey
Ruuxii ta’deeda soo qaada midi, jeelka lagu tuuraatey


Tixaha macaan midii loo tirshiyo, tararam lagu hoorsho
Tannaagda midii loogu heesiyo, hadal tuurtuurkaa
Tabaashiirta midi lagu qoraye, tacliinta noqotay


Taagtaagsigii hore midi, teelteelka loo haystey
reer tiseed qaar bay turuqday, tiin sidiisiiye
Tuhunkii Somali galayna, tiiraanyo wayn reebye

Tacshiirad roob ka badanaa tararag laysku siiyaye
Taah baan weli maqlaaynaa iyo tola’ay joogto ahe
Tabtii Diiftire iyo Sayidka sow looguma tubaynin?


Taako markay harumartaba, dib bay u tallabsataaye
Wixii tegey xusuusanmaysiyo, tawaariikhaheediiye
Assageed tiigsanmaysoo tartarka ku qabanmaysoe


Tumburyay isla dhacdaa iyo, tib iyo qaarwayne
Tagoogahaa wada jabanoo, way wada tukubayaane
Raboow Somali taakulee, adaa toosin karayee
Qalinkii. Maxamed Cali Daqle



its Highly Recognized that the Mohamed Mumiin & Korshe reside many districts in Ogadenia like the Dudub , Caliyala ,districts,which is about forty-five kilometres across the Somali border from Galdogob in Mudug, Dire Dawa, Jijiga, and Imey, Eritrea . Some also reside in various towns of the Oromia Region bordering the Ogaden.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Mudug”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests