Waa xoolo kuusoo godliyo caano aad gurine
Waa roob dhulkii gaaray iyo Eebbe galladdiiye
Ninkii garan karaa gooba oo geesiyaal hura’e
In la gaaro-iyo inaad soo gaaxsataa waa gadded kale’e
Xornimada raggeennii guntoo gaaladii jabiyey
Qur la gooyey, dhiig gobo’leh iyo gaajo iyo ciilba
inta Unada gaadhiyo intii goobo kale gooshtay
Soomaali gabigeed waxay calanka goobaysay
Lixdankii markay noo gashaan dawladnimo gaadhnay
Guyaal iyo guyaal soo galaan gabidhacyeynaynay
Musuqmaasuq gaamuray dalkiyo maalka guranaayey
Cidna lama gardaadine dhibbaa gudaha loo aaday
Dabadeedna gayshkii dalkoo guura kicinaaya
Yaa gacan biriyo hawl gurracan goostay taladiiba
Gabadanao colaadiyo muddaan geesna loo kicine
Guubaabo beeniyo darxumo gaamuraa timide
Tobannaan gu’oo soo gudbaa gaabis la ahaaye
Dagaal guud, qabiil laysku galo xaajo gubanaysa
Gummaadkii sookeeyaa la galay guluf colaadeede
Inkastoo gardarro qaawan iyo godobfal dheeraaday
Inkastoo qurgooyiyo dagaal gacal ku naafoobay
Inkatoo gufaacada rasaas guriga maashaysay
Gaaliyo islaam meel walbaba gawda laga saaray
Ragbaa goobahoodii galladay guulo dhaxal gaara.
Gogolxaar horiyo ii dheh kaas waa geddii hore
Gabayga dheeriyo haddaan geli warkaygiiye
Sida Gaariyaan hadal gudboon idinku gaarsiine
In Galmudug warkeed loo gudbaan uga golleeyahaye
Bal an gaaxdo caawoo kalay ila gudboontahaye
Geyigaan ku nooliyo intaan gobollo soo joogey
Geeskaa Afrika laga galee gaarka laga haynin
Ma gablamin dhulkii gaahidiyo buurihii gubane
Geesaha hobyiyo dooxo garas gebi ahaanteedba
Inta guudka Saman ka gudboon ee la garab taalla
Gallinsoor dhulkaa laga galiyo ceelashaan gurinba
Xudduudaha galbeediyo ka gees gobolladaa yaalla
Gawlallana haddii loo gudboo Gorayohawl gaadho
Gaalkacyana markaa laga galbado bari lasii gaaro
Allaa gacanta noo soo gashoo noo gargaar falaye
Oo magac Galmudug noo guntoo maamul garansiiyey.
Kagadaal wixii laga gudbiyo guuxi lagu raagay
Oo geeddi socod loogu tagey gobollo qaarkooda
Geerashyiyo gawaarida camiran gabadhaclaynaayey
Xariir lagu gaddaamiyo guryaba gogosha loo jiiftay
Wax la gabay guntii hoose iyo golaha reerkaahe
Nafti gabe gargaar kuma hollado mana gargaar falo’e
Garabkiisa kii gacan qabtaa guul u hoyataaye
Guulaha Allaan garabsadoo waa guntanayaaye
Hobyo godan haddaan gansi iyo geedo lagu beerin
Maraakiibta gooshtiyo haddaan moodku galaclaynin
Garoomiyo diyaarado gebrani guuxin guradeeda
Galbiskiyo haddii aan la gurin gaariyada buuxa
oo laamiyadu aysan gelin gebi ahaanteedba
Gacamey inuu iga gablamay maanta iga gooya.
Axmed Daahir
http://www.hobyonet.com/Gabay%20Galmudug.htm
I'm already proud




