This meeting was held in Galkacyo as the UN sent a team of representatives to meet with The senior officials of GM state.
One of the major aims for this meeting was to inspect the land in order to arrange a suitable funding for the development of GM State.
enjoy reading it..
____________________________________________________________________________
Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhawenayay wafti ballaaran oo ka socday Hay'ado ka tirsan Qarammada Midoobay, ayna ka soo qayb-galeen Masuuliyiin ka tirsan Dawlad-Goboleedka Soomaaliyeed ee GALMUDUG, Odayaal, Saraakiil ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Indheer-garad kale oo Reer GALMUDUG ah, ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Ururka SDRO (Somali Development and Rehabilitation Organization) ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
MudugNet, Muqdisho. Talaado, Maarso 20, 2007.
Waftiga Hay'adaha UN-ka ee ka qab-galay xafladdan, ayaa waxay ka socdeen Hay'adha kala ah UNDP, UNICEF, UNHCR, UN-HABITAT, UN-OCHA iyo RELIEF INTERNATIONAL. waxayna ujeeddadoodu ahayd u-kuur-gal iyo sahan la xiriira Nabadgalyada iyo Baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaannada GALMUDUG STATE.
Xafladdaas ayaa waxaa ka qayb-galay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawlad-Goboleedka GALMUDUG oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Dawlad-Goboleedka GALMUDUG, Mudane C/Qaadir Jaamac Qalab-xoor, Wasiirka Caafimaadka Dawlad-Goboleedka GalMudug Dr. Bile Diiriye, kusimaha Wasiirka Maaliyadda Dawlad-Goboleedka GalMudug ahna Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Mursal Xaashi Shirwac, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee GalMudug Mudane Dhaga-tarre, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka GalMudug Dr. Busuri Xasan Nuur, Guddoomiyaha Gobolka Hobyo G/Sare Max'ed Axmed Caalin iyo Xubno kale oo badan.
Xafladdan ayaa waxaa xiriiyayaal ka ahaa Masuuliyiin ka tirsan Ururka SDRO, oo xaruntiisa lagu qabtay Shirka lala yeeshay Hay'adaha Qarammada Midoobay. Waxaana masuuliyiintaas ka mid ahaa Mudane Cali-daahir Max'uud Xirsi , oo ah wakiilka SDRO ee GalMudug Xubainna ka ah guddiga Fulinta SDRO.
waxaa kale oo ka mid ahaa Saraakiisha kale ee SDRO Max'ed Xareed Max'ed, C/Raxmaan Warsame Godogodo iyo C/Shakuur Faarax Hubbane.
Ugu horreyntiiba, waxaa munaasabaddaas hadallo ka soo jeediyay Wasiirka Cusub ee Warfaafinta Dawlad-Goboleedka GalMudug C/Qaadir Jaamac Qalab-xoor, Wasiirka Caafimaadka GalMudug State Dr. Bile Diiriye iyo Kusimaha Wasiirka Maaliyadda ee Dawladda GalMudug. Mudane Mursal Xaashi Shirwac. waxayna ugu horreyntiiba soo-dhaweyn diirran u soo jeediyeen Waftiga Hay'adaha Qaramada midoobay ka socday. waxayna uga war-bixiyeen masuuliyiintaasi Hay'adaha UN-ka Xaaladaha nabadgelyada iyo Baahiyaha kala duwan ee ka jira
GalMudug State.
Waxay wasiirrada GalMudug u sheegeen Hay'adaha UN-ka inay nabad-galyo buuxda ka jirto Gobollada iyo degmooyinka Dawlad-Goboleedka GalMudug.
Xasilloonida ka jirta Deegaannada ballaaran ee GalMudugna aysan ka jirin inta badan Gobollada Soomaaliya. Waxayna intaas ku direen in degganaanshahaas uu yimid ka dib markii la dhisay Dawlad-Goboleedka GalMudug Bishii August ee Sannadkii la soo dhaafay ee 2006. waxayna u ballan-qaadeen
Hay'adaha UN-ka iyo dhammaan Samo-falayaasha kaleba inay siinayaa dammaanad-qaad buuxa oo xagga nabad-gelyada ah.
Mar ay ka hadlayeen masuuliyiintaasi Baahiyaha kala duwan ee ka jira deegaannada GalMudug, ayaa waxay ku nuuxnuuxsadeen inay haystaan Bulshada Reer GalMudug dhibaatooyin badan. oo iskugu jira dhinacyada Caafimaadka
iyo Wax-barashada. iyadoo ay muddo dheerba jireen Barakac is-dabo-joog ah oo ka soo gaaray shacabka GalMudug Dagaalladii Sokeeyaha ee kala dambeeyay.
waxaana haatan ku soo biiray qoxooti farabadan oo ka soo qaxay Dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho. kuwaasoo culays siyaadaa ku sii noqday Shacabka Reer GalMudug oo awalba ay toodu cuslaystay. waxayna ka codsadeen Waftiga Hay'adaha UN-ka inay wax weyn ka qabtaan Baahiyaha Bini'aadamnimo ee haysta Shacabka GalMudug, oo in badan ka qatanaa Taageerada Bulshada Caalamka.
Dr. Max'ed Amiin, oo ah Dhakhtarka Guud ee Isbitaalka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, ayaa isaguna waxa uu war-bixin faahfaahsan ka siiyay Waftiga UN-ka Baahida Caafimaad ee ka jirta Deegaannada GalMudug.
Iyadoo waftiga UN-ku uu si weyn ugu bogay Xogta Caafimaad ee ay ka heleen Dr. Max'ed Amiin.
Waxaa iyaguna hadallo xafladdaas ka soo jeediyay Saraakiik ka tirsan waftiga hay'adaha UN-ka, oo ay ka mid ahaayeen, Alax Taylar, Fivier Dezare, Trovy Husby, Dost Yousaf Zai, Jaffer Aminullaah, Cabdi Jabbaar iyo Aamina Max'ed. waxayna aad uga mahadceliyeen sida sharafta leh ee loo soo dhaweeyay. waxayna sheegeen inay ujeeddada ay u socdeen ay tahay sidii ay ugu guur-gali lahaayeen Xaaladaha Nabadgalyada iyo Baahiyaha kala duwan ee ka jira Deegaannada Dawlad-Goboleedka GalMudug. waxayna Saraakiisha UN-ku shirkaas ka caddeeyeen inay ku qanceen nabadgalyada la isku hallayn karo ee ay indhahooda ku soo arkeen, iyo Dammaanad-qaadka buuxa ee xagga Nabad-galyada ee ay Dawladda GalMudug ay siisay. waxayna shaacaka qaadeen inay diyaar u yihiin inay wax ka qabtaan, intii tabartood ah, baahiyaha ka jira Deegaannada Dawlad-Goboleedka GalMudug. Gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo wax-ka-qabashada dhibaatooyinka qoxootiga. waxayna sheegeen, ugu dambayntii, inay hay'ad walba oo iyaga ka mid ah waxa ay qabanayso ay ku faahfaahin doonaan Shirka Berri lagu ballansanyahaty Xarunta Dawlad-Goboleedka GalMudug..
Sidoo kale waxaa xafladdaas ka hadlay odayaal ay ka mid ahaayeen Warsame Godogodo, C/Laahi Yuusuf Guuleed (Digsi) iyo Cali Diiriye Alloore. waxayna dhammaantood sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin Imaanshaha Hay'adaha UN-ka ay yimaaddeen GalMudug State. waxayna ka hadleen odayaashu Baahiyaha kala duwan ee haysta bulshada, Miyi yo Magaalaba. iyo sida loogu baahanyahay in wax laga qabto. waxayna sheegeen in bulshada GalMudug ay diyaar u tahay inay soo dhaweeyaan cid kasta oo wax u qabanaysa.
Xafladdan oo ku soo gabagabawday jawi is-af-garad iyo Farxad leh, ayaa waxaa lagu ballamay maalinnimada Arbacada ah ee barri ah marti-qaad ballaaran oo Dawlad-Goboleedka GalMudug ay u fidisay Waftiga hay'adaha UN-ka. waxayna sheegeen waftiga UN-ku in Hay'ad walba oo Iyaga ka mid ahi waxa ay qaban doonto ku soo bandhigi doonto shirka Berri ay ku ballansanyihiin Dawlad-Goboleedka GalMudug iyo Hay'adaha Qarammada Midoobay.
waa markii u horreysay ee Hay'adaha UN-ku ay si xoog leh u
yimaaddaan GalMudug State, tan iyo markii la dhisay Dawlad-Goboleedka GalMudug.
waxaana jiray xiriirro badan oo ay horay u yeesheen Madaxweynaha GalMudug Danjire Kiimiko iyo Hay'adaha Qarammada Midoobay.xiriirradaasoo la aaminsanyahay inay horseedeen imaanshahan Hay'adaha UN-ka ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Dhanka kale Madaxweynaha Dawlad-Goboleedka GalMudug Danjire Max'ed Warsame Cali ( Kiimiko) , oo dhawrkii beri ee la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nayroobi ee Caasimadda Dalka Keynka, ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu kulammo kula lahaa magaalada Nayroobi Qaar ka tirsan Safaaradaha Waddammada Caalamku ay ku leeyihiin Nayroobi. waxaana ugu dambeeyay Safaaradaha uu la kulmay Madaxweyne Kiimiko Safaaradda Dalka aannu saaxiibbada soo jireenkaa ahayn ee Masar. Wuxuuna Madaxweyne Kiimiko awalba qorshaha ugu jirtay, sida uu ii sheegay, in., marka uu ka soo laabto Dalka Mareykanka, oo la filayo inuu dhawaan u duulo, uu booqan doono magaalada Qaahira ee Caasimadda u ah Dalka Masar. wuxuu kale oo Madaxweyne Kiimiko kulammo la yeeshay Jaaliyadda GalMudug ee Magaalada Nayroobi.
Calideeq Max'ed Xaashi.
nabadda1@hotmail.com
Galkacyo,GalMudug, Soomaaliya.
Fiiro Gaar ah:
Akhristayaal Sawirada oo Tira badan inta hartay Dib ayaan ka soo galin doonaa iyo wararka Talaadada , Waqtiga oo ciriiri nagu ah darteed .
Maamulka/ MudugNet.
__________________________________________________________________________
Source: http://www.mudugnet.com/News/2007/Mar/N ... lMudug.htm




