--------------------------------
Xaaladda Caafimaad ee Xildhibaan Caato oo laga deeyrinayo iyadoo dhaqaatiirtana ay ka digeen hadii aan deg deg dibada loogu qaadin.
Muqdisho ,Talaado ,Marso , 27, 2007 , Waagacusub Online
Eheladda Cismaan Xasan Cali Caato ayaa ka deeyriyay xaaladiisa Caafimaad xilli uu godoon ku yahay Magaaladda Baydhabo ee gobolka Bay.
Dhaqaatiir Cismaan Caato ku daweyneysay Baydhabo ayaa shaaciyay in xaalada Siyaasigaas ay liidato ,lagana yaabo inuu u geeriyoodo xanuunka hayo hadii aan si deg dega dibada loogu qaadin.
Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in Madaxweyne Yusuf uu amar ku bixiyay in Cismaan Caato aan loo dhoofin Karin dibada
Cismaan Caato iyo Cabdilahi Yusuf oo degaan ahaan ka soo wada jeeda gobolka Mudug waxaa ka dhexeeya is nacayb siyaasadeed oo mudo soo jiitamayay.
http://www.waagacusub.com/27.03.07.2.htm




