http://www.hobyonet.com/April/April_05_ ... eydiid.htm
Ra'isulwasaare Ku xigeenka Dowladda Federalka Xuseen Max'ed Ceydiid oo shalay galab gaaray Magaalada Casmara ee dalka Eriteriya ayaa la filayaa inuu halkaasi kulamo kula yeesho M/weynaha dalkaasi Isaias Afwerki iyo gudoomiyihii Maxkamadaha Sh.Shariif Sh.Axmad.
Hobyonet. Muqdisho Khamiis, April, 05, 2007
Booqashada Xuseen Ceydiid ayaa ka dambeysay Martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dowladda Eriteriya , iyadoo halkaaasi ay kulamo ku yeelanayaan gudoomiyihii hore ee golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh.Aadan iyo Gudoomiyihii Maxkamadaha.
Xuseen Max'ed Ceydiid oo qaar ka mid ah xildhimaanada ku sugan Magaalada Casmara ayaa ku eedeeyay in Madaxda sare ee dowladda ee ku xadgudbeen sharcigii ay ku dhisneyd dowlada KMG oo ah dib u heshiisiin iyo u diyaarin dalka doorashooyin Madaxtinimo oo xor ah.
Ra'isul wasaare ku xigeenka waxuu cambaareyn u soo jeediyay Madaafiiicdii lagu xasuuqay Shacabka Soomaaliyeed, Isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay in dagaal socday Muddo afar maalmood ah ay ku geeryoodaan tiro dad rayid ah oo kor u dhaafaya 400 qof, lana burburiyay xaafado badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho.
Eng. Xuseen Max'ed Ceydiid waxuu sheegay in uu ka soo baxay dhaartii uu u maray inuu ka shaqeeyo danaha shacabka Soomaaliyeed, oo uu xaruntii Madaxtooyada iyo dhamaan meelihii uu maamuli jiray uu ku wareejiyay dowladda, si loogu adeego shacabka , balse taa badelkeed xaruntii Madaxtooyada laga dhigay meel Madaafiic looga soo rido dadkii loogu adeegi lahaa.
Xuseen ceydiid oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn looga shaqeenayay in dowladda ay hirgasho ayaaa mowqifkiisii is baddalay kaddib markii Shacabka Muqdisho lagula kacay falal gumaad ah iyo burburin hantidooda.
------------------------------------
What a shame.... ... whats your views on this?





