Beelaha Sacad iyo Cayr oo kulan balaaran ku leh Hotel Amira si loo dhameeyo khilaaf mudo u dhaxeeyay oo sababay dib u dhacyo dhinacya badan.
Muqdisho , Arbaco, April , 11 , 2007 , Waagacusub Online
Beelaha Sacad iyo Cayr ayaa ku kulansan Hotelka Amira ee agagaarka Zoope Muqdisho iyagoo ka wada hadlaya sidii loo xalin lahaa khilaafka mudada soo jiitamayay ee u dhaxeeyo labada beel.
Gogosha kulanka oo ay dhigeen beelaha Cayr ayaa lagu wadaa in Beesha Sacad magdhaw lagu siiyo,maadama ay tirsanayaan gumaad iyo hub ka dhigis lagu sameeyay xilligii Maxkamadaha.
Kulanka labada dhinac waxaa uga qaybgalaya Rag muhiima oo ka tirsan labada beel,waxaana aad u kacsan dareenka Shacabka labada beelood oo dhegta u taagaya waxa ka soo baxa shirkaas oo ay u arkaan mid dhaxalgala oo muhiim u ah jiritaankooda beelnimo.
Khilaafka aan micnaha badan xambaarsaneeyn ee u dhaxeeyay mudada dheer Sacad iyo Cayr ayaa la rumeysan yahay inuu sababay dib u dhac dhinaca horumarka ah oo ay gaari lahaayeen dhamaan shanta ilma dahabo toolmoon





