Maxkamadaha oo sheegay inaysan dooneyn in mar kale awooda dalka dib ugu soo laabtaan.
London , Talaado, April 10, 2007 Simba Radio
Madaxa Arrimaha Dibedda Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Prof. Ibraahim Xasan Cadow, ayaa shaaca ka qaaday In Maxkamadaha Islaamiga Soomaaaliyeed aysan wax qorshe ah ka lahayn inay awooda Somalia dib ugu soo laabtaan.
Wargeyska Daliy Nation ee kasoo baxa dalka Kenya ayaa kasoo xigtay Prof. Cadow, isaga oo sheegaya in hogaanka Maxkamdaha Islaamiga Soomaaliyeed ay weli yihiin kuwa taagan oo aan bur burin, qaarkoodna ay joogaan Gudaha Dalka Somalia oo ay kula dagaalamayaan Ciidamada Ethiopia ee dalka qabsaday, laakiin waxa uu yirin in dagaalkooda aanu ku qotamin inay awooda dib ugu soo laabtaan.
"hadafkeenu waxa uu yahay Dowlad sal ballaaran, taasi oo dhammaan dhinacyada dagaalamaya u dhaqaajisa Dhinaca nabadda" ayuu yiri Cadow.
Prof. Ibraahim Xasan Cadow, waxa kale oo uu sheegay inay soo dhoweynayaan baaqyada ku saabsan wada hadalka, kuwaasi oo uu sheegay in ahaayeen ayna ahaan doonaan waxa ay hiigsanayaan Maxkamdaha Islaamiga ah, laakiin waxa uu yiri in tahay in wadad hadalladaasi ay ka dhacaan meel Dibedda ka ah dalka Somalia, oo dhammaan ka qeyb galyaasha ay ku xaajoon karaan ayaga oo aan wwax cabsi ah qabin.
Wareysi uu bixiyay isaga oo jooga magaalada Leicester ee dalka Britain, halkaasi oo uu kaga qeyb gali wado hadallo saddex maalmood Soomaalida uga socday, ayaa waxa ayy ku sheegay in Duulaankii ay Ethiopia iyo Mareykanka kuso qaadeen Somalia ay beddelaan siyaasaddi fir fircooneyd ee dalka.
Illaah baa mahadda isla leh, mowqifka Maxkamadaha Islaamiga ah waxa uu hadda ka wanaagsan yahay sidii uu ahaa markii hore, ayuu yiri Prof. Cadow, oo intaa ku daray in kaalinta dagaal yahanada Maxkamadaha Islaamiga ay ka qeyb qaadanayaan wax iska caabinta, ayna sameyn doonaan wax intaa ka badan Mustaqbalka.
Si kastaba Madaxa Arrimaha Dibedda Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Prof. Ibraahim Xasan Cadow, waxa uu xaqiijiyay in Maxkamadaha Islaamiga ah aysan raadi doonin inay sameeyaan Dowlad, laakin taasi ay u mari doonaaan hab awood qeybsi dowlad ku dhisin oo ku timaada wada hadallo qaran oo dhinacyo badan ay ka qeyb galaan.
Prof. Cadow ayaa sheegay in wadad hadallada qaran ay dhici karaan oo kaliya marka Ciidamada Ethiopian-ka ah ay dalka Somalia ka baxaan.
Madaxa Arrimaha Dibedda Golaha Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed Prof. Ibraahim Xasan Cadow, waxa uu yiri in Dowladda KMG ah ee Somalia aysan maamulin Somalia , xitaa haddii ay heysato Ciidamo Ethiopian ah oo gacan siinaya, taasi waxaa caddeyn u ah buu yiri ayada oo Dowlaadda Ethiopia ay si toos ula xaajooneyso qabaa'ilka Soomaalida iyo kooxo gaar ah.
Ahmed Ali Sheikh
Email:
alaxmed@hotmail.co.uk