Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ciidammada Booliska ee Dawlad-goboleedka GalMudug in action

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Karbaash_killa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3672
Joined: Thu Mar 10, 2005 3:10 pm
Location: Wisil, Galmudug State of Somalia

Ciidammada Booliska ee Dawlad-goboleedka GalMudug in action

Postby Karbaash_killa » Mon Apr 23, 2007 8:41 am

Ciidamada Booliska GalMudug oo fashiliyay weerar kale oo koox dabley ahi ay shalay ku qaadday Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo.

MudugNet, Muqdisho. Sabti, April 21, 2007.



Ciidammada Booliska ee Dawlad-goboleedka GalMudug ayaa maalinnimadii shalay ka hortagay weerar hubaysan oo koox dabley ah ay la damacsanaayeen inay ku qaadaan Isbitaalka weyn ee Koonfurta magaada Gaalkacyo, oo 2km dhanka Koonfureed ka xiga magaalada Gaalkacyo.

Ciidammada Booliska Dawlad-goboleedka GalMudug ayaa, shalay barqadii, waxay ka war-heleen in dableydaasi ay weerar ku tahay Isbitaalka guud ee Koonfurta Gaalkacyo. Waxayna isla markiiba, Boolisku geeyeen duleedka Isbaalka Labo baabuurta dagaalka ah oo aad u hubaysan. kooxdii dableyda ahayd ayaa kala cararay, ka dib markii ay ogaadeen Labda baabuur ee tiknikada ah oo ay u diyaarsadeen Ciidanka Booliska Dawlad-goboleedka GalMudug. waxaana halkaas ku fashilmay weerarkii ay mooryaanta hubaysani ugu talo-galeen inay ku cuuryaamiyaan Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo. shacabka ayaa aad u soo dhaweeyay sida wanaagsan ee Ciidammada Booliska Dawlad-goboleedka GalMudug ay ugu hor-tageen bur-cadda shalay Isbitaalka soo weerartay.

Kooxdan dableyda ah ee shalay weerarka dhicisoobay ku soo qaaday Isbitaalka guud ee Koonfurta Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxay ahaayeen isla kuwii 10-kii bishan weerarka ku soo qaaday Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo. wuxuuna sababay weerarkoodaas hore in muddo Afar saacadood ah ay hakad galaan gabi ahaanba adeegyadii Caafimaad ee Isbitaalka. waxayna ku andacoonayeen dableydaasi inay jufadoodu ku dulmantahay shaqaalaha Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo. weerarka ay Labada goor ku soo qaadeen Isbitaalkana ay xaq ka maqan ku soo dhacsanayaan, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Hayeeshee odayaal iyo wax-garad ka tirsan jilibka ay ka soo jeedaan dableydaaas Labada jeer soo weerartay Isbitaalka ayaa wax-kama jiraan ku tilmaamay sheegashada ay dableydu ku andacoodeen inay jufadoodu ku xaqirantahay shaqaalaha Isbitaalka. sidoo kale, Agaasimaha Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo mudane Max,ed Cabdi, oo aan wax ka wayddiiyay habka shaqaalaynta Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo, maaddaama ay jufo ka shanqariyeen dableydu, ayaa waxa uu ii sheegay inaysan jufo-jufo wax ku shaqaalayn. ayna ku qaataan hadba shaqaalaha uu Isbitaalku u baahan yahay aqoontooda, ka dib marka ay galaan tartan caddaalad ku salaysan. iyadoo aan loo fiirinayn cidda ama jinsiga ay yihiin iyo mabaadii,da ay kala aamminsanyihiinba.

Dr. Max,ed C/Kariim Nuur Cali (Dr. Max,ed Amiin) oo ah madaxa dhaqaatiirta Isbitaalka weyn ee Koonfurta Gaalkacyo, oo aan ka waraystay sida weerarkii dhicisoobay ee shalay uu saamayn ugu yeeshay hab-sami-u-socodkii hawlaha Isbitaalka, ayaa waxa uu ii sheegay in shalay barqadii markii ay maqleen in dableydaasi ay weerar ku soo tahay, shaqaalihii ajnabiga ahaa ee MSF-Holand ee ka hawl-gali jiray Isbitaalka ay ka wadeen Isbitaalka ayna geeyeen Xarunta hay,adda MSF-Holand ay ku leedahay Koonfurta magaalada Gaalkacyo. wuxuuna intaas ku daray Dhakhtarku in shaqaalaha ajnabigaa ee hay,adda MSF-Holand weerarkii shalay ka dib iyo illaa maantaba aysan u soo shaqo tagin Isbitaalka Koonfurta magaalada Gaalkacyo. ayna wali ku sugan yihiin Xaruntoodii.

Dr. Max'ed Amiin ayaa sheegay in shalay barqadii markii ay dableydu damacday iny soo weerarto Isbitaalka, ay Isbitaalka joogeen bukaanno 300 oo qof kor u dhaafaya. kuwaasoo iskugu jiray bukaanno horay u jiifay Isbitaalka iyo kuwo hor leh oo Isbitaalka loo keenay gargaar caafimaad. bukaanka horay u jiifay Isbitaalka ayuu Dr. Max,ed Amiin ii sheegay inay ka mid ahaayeen carruur uu hayo cudurka shubanku oo tiradoodu ay 40 gaarayso!. halka bukaannadii kale ee Isbitaalka la keenay shalay ay ku jireen 15 haween uur leh ahaa oo foolanayay!.

Dr. Max'ed Amiin xusay in shalay markii ay dableydu isku dayeen inay soo weeraraan Isbitaal iyo illaa maantaba ay si fiican u socdaan hawlihii caafimaad ee Isbitaalka. waxaana Isbitaalka ka wada hawlahaas Maamulkii, Dhakhaatiirtii, Kalkaaliyayaashii iyo Shaqaalihii Soomaalida ahaa ee ka hawl-galijiray Isbitaalka Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dr. Max,ed C/Kariim Nuur (Dr. Max,ed Amiin), oo niyad-xumo ay ka muuqatay, ayaa ii sheeggay in Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo uusan sii shaqayn karin, haddii aysan bulshadu si dhab ah wax uga qaban weerarada axmuqnimada ah ee lagu soo qaado Isbitaalka.

Ururka Dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF-Holand, oo ah hay,adda kaliya ee Caalami ah oo waligeedba samo-fal la taaban karo ka samaysay deegaannada ballaaran ee Dawlad-goboleedka GalMudug, ayaa illaa Sannadkii 2003-da waxay ka shaqaynaysay Isbitaalka Koonfurta magaalada Gaalkacyo. waxayna MSF-Holand muddadaas qaybo badan ku kordhisay Ibitaalka Koonfurta Gaalkacyo.waxayna MSF-Holand muddadaas siinaysay Isbitaalka daawooyin kala daayooyinka lagu dabiibo bukaannada.sidoo kale MSF-Holand waxayna bixisaa mushaarooyinka shaqaalha Isbitaalka oo 200 oo qof ka badan. wixii ka horreeyay 2003-dii ayaa hay,adda MSF-Holand waxay ku ekayd magaalada Gaalkacyo dhinaceeda Woqooyi oo ay maammusho Puntland.

Balse wixii ka dambeeyay sannadkii 2003-da markii MSF-Holand ay u soo wareegtay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa aad u sii siyaadayay khilaaf soo kala dhex-galay Maammulka Puntland ee Woqooyiga Gaalkacyo iyo hay,adda MSF-Holand. wuxuuna khilaafkaasi sababay in sannadkii 2006-da ay MSF-Holand ka soo guurto Woqooyiga magaalada Gaalkacyo. hay,adda MSF-Holand wixii ka dambeeyay muddadaasba waxay ka shaqaynaysay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo kaliya. ka-soo guurista MSF-Holand ay ka soo guurtay 2006-da Woqooyiga Gaalkacyo ayaa waxay sababtay inuu, gabi ahaanba, xirmo Isbitaalka Woqooyiga Gaalkacyo, marka laga reebo qaybta TB-da oo ay wali daawooyinka siiso MSF-Holand.

Sumcadda Isbitaalka Koonfurta magaalada Gaalkacyo, ayaa 4-tii sano ee ugu dambaysay aad u sii siyaadaysay. waxaana, tusaale ahaan, ka mid ah waxyaabaha Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo uu ku kasbaday sumcaddaas, iyadoo qaar badan oo ka tirsanaa shaqaalihii caafimaad ee ka shaqayn jiray Isbitaalka Woqooyiga Gaalkacyo, intii uusan xirmin, ay haatan ka shaqeeyaan Isbitaalka Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. iyadoo bukaannada imminka jiifa Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyona ay ku jiraan kuwo badan oo reer Puntland ah. waxaana bulshada reer Puntland ee ku nool Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ay si aad ah uga mahad-celiyaan sida hagar-la,aanta ah ee ay daryeelka Caafimaad uga heleen Isbitaalka Koonfurta Gaalkacyo. bulshada reer Puntland ee Woqooyiiga Gaalkacyo ayaa, marar badan, waxay ku cambaareeyeen maammulkooda inuu ku guul-darraystay daryeelkii caafimaad ee ay ka sugayeen. waxayna ku hanjabeen, qaar ka tirsan ganacsatada reer Puntland ee Woqooyiga Gaalkacyo, oo u warramayay qaar ka tirsan idaacadaha FM-da ah ee magaalada Gaalkacyo, inay joojin doonaan lacagaha canshuurahaa ee ay siin jireen maammulka Woqooyga Gaalkacyo ee Dawlad-goboleedka Puntland.

Ugu dambayntii, cadaawadda siyaasadeed ee maammulka Puntland uu u qabo Dawlad-goboleedka curdanka ah ee GalMudug iyo colaadda ay Puntland u qaadday hay,adda MSF-Holand, oo lagu daray waji-gabaxa uu maammulka Puntland ee Woqooyiga magaalada Gaalkacyo ka haysta wax-ka-qabashada adeegyada bulshada, gaar ahaan xagga Caafimaadka, ayaa, sida ay qabaan qaar badan oo ka tirsan Bulshada GalMudug, waxaa loo aanaynayaa maammulka Puntland ee Woqooyiga magaalada Gaalkacyo inuu soo adeegsaday kooxda dableydaa ee Labada jeer weerarrada ku soo qaaday Isbitaalka Koonfurta magaalada Gaalkacyo. inkastoo aysan jirin cid dhexdhexaad ah oo xaqiijisa in maammulka Puntland ee Woqooyiga magaalada Gaalkacyo uu ka dambeeyo weerarrad soo noq-noqday ee dableydu ay ku soo qaadday Isbitaalka weyn ee Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Calideeq Max,ed Xaashi.
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya.
-------------------------------------------------------------------------------

This is a success story ..Our police adopting FBI skills to precent crime before it happens... now thats what i call Home land Security.. Laughing

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Mudug”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest