Dawlad-Goboleedka GalMudug oo magacawday guddiga taakulaynta qoxootiga ka soo barakacay Muqdisho.
MudugNet, Muqdisho. Isniin, April 30, 2007.
Iyadoo Dawlad-goboleedka GalMudug ay si is-daba-joog ah u soo gaarayeen qoxooti aad u tira badan oo ka soo qulqulayay gumaadkii ay Itoobiya ku samaysay shacabka Soomaaliyeed ee reer Muqdisho, ayaa baryahanba masuuliyiinta sarsare ee Dawlad-Goboleedka GalMudug waxa ay ku lahaayeen Madaxtooyada GalMudug shirar looga xaajaysanayay sidii loo kaalmayn lahaa dadkaas qoxootigaa ee soo buux-dhaafiyay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo iyo magaalooyinka iyo tuulooyinka kale ee GalMudug.
Kulammadaas, oo uu shir-guddoominayay C/Samad Nuur Guuleed, oo ah kusimaha madaxweynaha GalMudug ahna guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha baarlmmaanka Dawlad-Goboleedka GalMudug, ayaa waxaa lagu magacaabay Guddi sare oo loo xilsaaray taakulaynta qoxootiga faraha badan ee reer GalMudug ee ka soo bara-kacay magaalada Muqdisho.
Gudddiga taakulaynta qoxootiga Dawlad-Goboleedka GalMudug, oo uu madax ka yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawlad-Goboleedka GalMudug Mudane Muxyaddiin Macallin Cali, ayaa waxaa xubno ka ah masuuliyiin ka kala tirsan goloyaasha Wasiirrada iyo Baarlammaanka ee Dawlad-Goboleedka GalMudug iyo qaar ka tirsan Ganacsatada waaweyn ee reer GalMudug.
Qoxootigan reer GalMudug, ee ka soo qaxay Sunnaamida Meles Zanawi uu ka sameeyay Muqdisho, ee illaa hadda soo gaaray GalMudug, ayaa waxay tiradoodu gaaraysaa 20,000 oo qof. iyadoo ay horay u sii joogeen qoxooti kale oo tiradaas ka sii badan. waxaana jirta inay wali qoxooti kale ay ka soo firxanayaan magaalada Muqdisho. waxayna qoxootigaasi buux-dhaafiyeen gobollada Konfurta Mudug iyo Hobyo ee Dawlad-Goboleedka GalMudug iyo degmooyinka iyo tuulooyinka hoos yimaadda. mana jiraan wax hay,ado Caalami ah oo dadkaas illaa iyo hadda wax gargaar ah siiyay.
Guddiga taakulaynta Dawlad-Goboleedka GalMudug ayaa waxay dadaal weyn ugu jiraan sidii dadkaas loo kaalmayn lahaa. iyadoo gudiga taakulaynta Qoxootiga GalMudug ay magaalada Gaalkacyo ka fureen santuuq Lacag loogu aruurinayo qoxootiga tirada badan ee reer GalMudug ee ka soo dalaabay duullaanka gar-darrada ah ee Itoobiya ay ku qabsatay Caasimaddii Soomaaliya ee Muqdisho!.
Haddii ALLE idmo, waxaan mar dhaw idiin soo gudbin doonaa warbixin dheer oo masawirro wadata oo ku saabsam Qoxootiga GalMudug ee ka soo barakacay Muqdisho. warbintaas, oo haddaba, aan bilaabay diyaarinteeda, ayaa waxaa ku jira macluumaad badan oo qoxotigaas ku saabsan. xogta aad ka heli doontaan warbixintaas, oo ay ku jiraan xaaladaha nololeed ee ay ku suganyihiin dadkaasi, xiriirka Guddiga Taakulaynta Qoxootiga GalMudug iyo Nambarka Santuuqa Lacagta loogu aruurinayo Qoxootiga oo akhristayaashu, Gaar ahaan jaaliyadaha dibaddu, ay aad ugu baahanyihiin. waxayna idin soo gaari doontaa war-bixintaas 24 saacadood gudahood, haddii ALLE Idmio.
Calideeq Max,ed Xaashi.
nabadda1@hotmail.com
Gaalkacyo, GalMudug, Soomaaliya.



