Ceergaabo:- Hay'adda horn relief iyo Odayaal Dhaqameedka Magaalada Ceergaabo ayaa kawada hadlay sidii loo dhisi lahaa Dekeda Laasqoray oo in mudda aha loogu jiray dadaal,waxana loo bilaabay sidii wacyigelin loo samayna lahaa iyo in goobo loo sameeyo u gaar ahan wacyi gelinta dekeda o ku dhextaala xarunta magaala madaxda ee ceergaabo,
Odayaal dhaqameedka magaalada ceergaabo ayaa si xusul duub ah ugu jira sidii ay talo iyo tusaaleba uga bixin lahaayeen dekeda loo dhisayo guud ahaan gobolka sanaag iyo somaliyaba waxan ugu horaynta ka hadlay madaxa horkacayay hay'adda oo in mudda ah ku sugnaa magaalada ceergaabo waxa uu sheegay inay wadeen work shop ku saabsanaa wacyi gelinta dekeda laasqoy
waxana ku hadlayay magaca odayaasha cergaabo siciid bidaar oo ku nuux nuuxsaday inay heegan u yihiin odayaasha ceergaabo , waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay cidii ay ku dhimantahay xoolihii dekeda in looga fadhiyo
Hay'adda horn relief ayaa aad loogu soo dhaweeyay qaabka fiican ee ay u wado dhismaha dekeda laasqoray waxan loogu ballan qaaday inay kaalmo fiican ka gaysandoonaan dekeda laasqoray
Isku soo wada duubo dhamaan bulshada reer ceergaabo ayaa waxay ku faraxsan yihiin dhismaha cusub ee laga bilaabi doono dekeda laasqoray waxayna sheegeen inay mahad ballaaadhan u soo jeedinayaan hay'adda horn relief oo isu xil saartay dhismaha kuna hawlan ilaa iyo haatan
Laasqoray.net/xafiiska ceergaabo
Cadnaan Dhoolay



