Laako:- Magaalooyinka Laako iyo Rad ee Gobolka Sanaag ayaa waxay maanta dhigeen Wacdaro aan horay loo arag iyada oo halkaasi lagu soo dhaweeyay waftigii Gen- C/laahi Axmed Jaamac Ilka Jiir, boqolaal Ruux ayaa isasa soo taagay wadooyinka magaaladaasi kuwaasi oo sitay Calamo iyo Boodhadh.
Waftigii uu hormuudka u ahaa Gen- C/laahi Axmed Jaamac Ayaa maanta gaadhay magaalooyinka Laako iyo Raad ee dhinac Bari ka xiga magaalada Badhan, waftigaasi ayaa waxa ka mid ahaa Saraakiil sar sare oo ka tirsan Gobolka Sanaag iyo Koox wariyaal Reer Sanaag ah.