Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

TABABARKA XIRFADAHA HABLAHA DHALINYARADA KU SAABSAN OO MAGAA

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
AbduQadir
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 581
Joined: Wed Apr 08, 2009 3:41 pm

TABABARKA XIRFADAHA HABLAHA DHALINYARADA KU SAABSAN OO MAGAA

Postby AbduQadir » Sun Jul 12, 2009 9:44 am

TABABARKA XIRFADAHA HABLAHA DHALINYARADA KU SAABSAN OO MAGAALADA CEERIGAABO KA BILAAB

Ceerigaabo (Sanaag.org) Tababarka horuumarinta xirfadaha hablaha dhalinyaradda ah ee magaaladda Ceerigaabo ayaa gabi ahaanba kanoo kale dalka Somaliland laga wada bilaabay bishan june ee lasoo dhaafay iyadoo ay maal galisay barnaamujkan Hay’aadda UNICEF lana soo dhexmariyey Dallada dhalinyaradda Somaliland ee SONYO’ Iyadoo u xilsaaratay dalladu barnaamujkan ururo ka midda ururka ku bahoobay dallada.

Xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa ururka dhalinyaradda ee SEEYO ka bilaabay iyadoo ay dalladu u soo igmatay barnaamujkan horuumarinta xirfadaha hablaha dhalinyaradda ah ee gobolka Sanaag iyo kor u qaadista aqoonta hablaha ee bulshada dhexdeeda.

Haddaba Agaasimaha ururka dhalinyaradda ee SEEYO Mudane Farxaan Maxamuud Xidig ayaa shabakadda wararka Sanaag.org uga xog waray ujeedda barnaamujkan.
Waxana hadaladiisii ka mid mashruucan waa mid loogu tala galay kor u qaadista iyo horuumarinta xirfadaha haweenka gaar ahaan hablaha yar yar ee da’doodu u dhaxay 17 sanno ilaa 25 jir. Waxa lagu baranayaa sidii haweenku uga qayb qaadan lahaayeen horuumarka dalka gaar ahaan iyadoo la baraayo hababkii ay ugu qayb qaadan lahaayeen horgaaminta dalka iyadoo heerarkooda waxbarasho iyo maamulba kor loo qaadaayo. Waxa naga taageeray dallada dhalinyaradda Somaliland ee SONYO’ iyagoo kaashanaaya Hay’adda UNICEF. Tababarkani waxa uu soconayaa muda dhan labo casho iyadoo aanu dib u bilaabi doono mid lamida waayo waxa noo qorshaysan in bilkasta aanu qabano hal tababar oo kan oo kale ah oo socondoona laba casho inta lagu jiro bilan sanadkan ay ku jiro 2009.

Mashruucani waxa uu daba joogaa mashruuc hore ururka SEEYO uga fuliyey gobolka Sanaag gaar ahaan degmadda Ceerigaabo kaas oo soconaayey muda lix bilood oo marba raabe cusub oo hablo ah loo qabanaayey barnaamujkan. Waxana naga taageeray dallada SONYO oo kaashanaysa UNICEF. Waqtiga uu mashruucaasi gobolka ka socday waxay ahayd sanadkii 2007 kii. Ugu danbaytii waxaanu tababaray hablo gaadhaya 150 hablood oo bartay xirfado kala duwan. Waxayna mutaysteen inaanu gudoonsiino shahaado ka turjumaysa hablaasi waxay soo barteen mudadii ay tababarka ku jireen.

Agaasimaha SEEYO waxa uu intaa raaciyey inuu tababarkani yahay kii koowaad ee barnaamujkan iyagoo saddex tababar oo kale qaban doona oo dhamaantood loo qaban doono hablaha dhalinyaradda ah ee magaaladda Ceerigaabo ku dhaqan.

Agaasimuhu waxa uu ugu danbaytii u mahad naqay Shabakadda warbaahinta ee Sanaag.org oo si hagar la’aan ah looga daalacdo wararka ururka SEEYO. Taasna waa karti iyo firfircooni ay ku Caan baxday Shabakadda wararka ee Sanaag.org iyo shaqaalaheeda oo had iyo jeer u heelan sidii bulshadda reer Somaliland u heli lahaayeen ilo warar ah’ oo xor iyo xalaal ah. Agaasimuhu waxa kale oo u mahad nay cidkasta oo gacan ka gaysatay barnaamujka kor loogu qaadayo xirfadaha haweenka dalka goboladiisa ay ka wadaan ururadda dallada dhalinyaradda Somaliland.

Cumar Siciid Nuur.
sanaag.org reporter
Ceerigaabo/Somaliland
Nuur507@hotmail.com


http://www.sanaag.org/details.asp?id=892&dt=news

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 9 guests