Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Report on the farming Galgala District

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
Highland
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 983
Joined: Sun Apr 25, 2004 7:00 pm
Location: The Beautiful ''Calmadow''

Report on the farming Galgala District

Postby Highland » Tue Sep 08, 2009 9:42 pm

:clap:
--Galgala is a growing town situated on the western side of Bari region. On top of having great facilities that cater to the needs of its residents, it's also popular in both subsistence and large scale farming practices. Galgala supplies fruits like banana, dates and vegetables to major cities like Boosaaso and Badhan. It continues to experience expanding settlement.
-----------

WARBIXIN:- MAXAA KALA SOCTAA BILICDA QURXOON EE DEGMADA GAL GALA EE AH DHUL LOO DAL XIIS TAGO[SAWIRO]

Gal Gala:- Dhawaan ayaan booqanay Degmada Gal Gala ee ka tirsan Gobolka Bari galbeedkiisa, halkaas oo ay ku yaaliin dhul beero ah oo ku haboon Dalxiiska waxana ay soo jeedanayaan Indhahaaga Degmada Gal Gala waxa ku yaala ilaa  dhul aad u baaladhan kuwaas oo ah dhul ay u dalxiis tagaan Kumanaan Dad ah oo kakal yimaada daafaha caalamka Aduunka iyagoo door bida inay mar lugta galiyaan Degmada Gal Gala ee Bilicda Qurxoon.

Degmada Gal Gala ayaa waxa si da aad ku arkaysaan in dhihiina waxa ku hareeraysan dhul beeraad aad u Qurxoon kuwaas oo Bilicdoodu dadka indha hooda soo jeedanaya, waxa intaas u dheer Biyo Du Dur ah kuwaas oo ah Il rabaani ah oo iska soconaysa waxayna sahleen biyahaas inay baxaan dhul beereed aad u fara badan. Degmada Gal Gala oo ayaamaha farxa ee Cida ah oo kale ay soo booqdaan Kumanaan dad ah kuwaas oo u soo boqoola say ugu nastaan Qurxada iyo Beeraha Degmada Gal Gala waxa jira Koox ilaalo ka ah Dhulkaas si aanay u dhicin in ay dayacmaan ama loo gaysto wax yaabo nabaad Guurin kara Dhirtaas Qorxoon dadkaas Dhulka loo dalxiis tago ee Gal Gala ilaalada ahi ma ah kuwa meel kale ka yimi waa kuwa ay u qoondeeyeen odayaasha Deegaan si looga taxa daro inaanay dhicin wax dib u dhigi kara horu socda Deegaanka oo ah meel aad u Qorxoon.

Wakhtigii aan halkaas booqanaya waxaanu la kulaney Boqolal dad ah kuwaas oo markaas ku sugnaa Degmada Gal Gala waxayna dadkaas ku dabaalanayeen Togag Gal Gala oo ah dhul ay ka Buuxaan Biyo nadiif ah oo aad looga ilaaliyay wasakhda. Dadkaasi waxay noo sheegeen inay Isbuucii soo booqdaan Halkaas 2- Jeer Qaarkood waxay daboolka ka qaadeen inayba degaan ilaa Isbuuc si ay uga bogtaan Bilcda Deegaan Gal Gala- Dadkaas waxay ka soo kala boqooleen Deegaanada Bosaaso, Gal kacayo, Qardho,  Ceerigaabo, iyo Badhan.

Waxa jira Dad kale oo ka yimaada dalka Dibadiisa kuwaas oo warbaahita kala socda Quruxda Meeshaas waxayna go aan sadaan inay soo booqdaan Deegaanka Gal Gal taas oo ah wax aad loogu farxo runtii.

Degmada Gal Gala ayaa waxa ku Nool dad aad u fara badan oo lagu qiyaasay 60,000 kun oo qof waxayna dadkaasi Nolosheedu ku xidhan tahay dhanka Beeraha oo ay aad uga tabcadaan, waxay in dhahaagu qabanayaa Raxan raxan dad ah kuwaas oo koogan inay falaan Beerahooda waxana badanaa beerhaas ka soo go"a  Khudaarta loo yaqaan Xabuub, Qare, Kamsaro, Liin macaan iyo Noocyo kale oo khudaar ah waxana loo iib geeyaa Magaalooyinka Bosaaso iyo qaarkood oo loo dhigo Gobolada Kale ee dalka Somaliya.

Deegaanka Gal Gala ayaa haatan waxa kagu wadaa in aad loo adkeeyo Nadaafada Biyaha halkaas Qul Qula kuwaas oo lagu sameeyay dhul Dhismayaal ah oo  biyaha halkaas maraya ka ilaalinaya wasakhda. Hawshaas waxa iska kaashada Bulshada Deegaanka Gal Gala iyagoo aan wax gacan ah ka helin Dhinacyada maamulada ama Hay"adda kuwaas oo is kood isul xirsaaray inay wax ka qabtaan Bilcad Qurxoon ee Deegaanka Gal Gala.

Waxa jira Qordshe kale oo uu watay Cade Muuse kaas oo ahaa inuu Gal Gala ka dhugo dhul loo soo nasasho tago si Maamulka Puntland halkaas dadka Dalxiiska ah uga qaado cashuur oo ay halkaas dhaqaale uga soo gal maadaama ay Gal Gala tahay meel ku haboon Dalxiiska, Balse arinkaas ayaa fashilmay kaas oo Cade Muuse lagu fahmay qorsha ha uu wato

Highland
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 983
Joined: Sun Apr 25, 2004 7:00 pm
Location: The Beautiful ''Calmadow''

Re: Report on the farming Galgala District

Postby Highland » Tue Sep 08, 2009 9:49 pm

View of Galgala


Image

Image

Image

Image

Image
Image
Farming NGO
Image


..1

User avatar
DamallaXagare
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1044
Joined: Sun Apr 24, 2005 12:11 am
Location: "I speak of Africa and the golden years of joy" Shakespeare
Contact:

Re: Report on the farming Galgala District

Postby DamallaXagare » Fri Sep 11, 2009 10:40 am

"Degmada Gal Gala ayaa waxa ku Nool dad aad u fara badan oo lagu qiyaasay 60,000 kun oo qof waxayna dadkaasi Nolosheedu ku xidhan tahay dhanka Beeraha oo ay aad uga tabcadaan, waxay in dhahaagu qabanayaa Raxan raxan dad ah kuwaas oo koogan inay falaan Beerahooda waxana badanaa beerhaas ka soo go"a  Khudaarta loo yaqaan Xabuub, Qare, Kamsaro, Liin macaan iyo Noocyo kale oo khudaar ah waxana loo iib geeyaa Magaalooyinka Bosaaso iyo qaarkood oo loo dhigo Gobolada Kale ee dalka Somaliya."

Unbelievable.

Galgalla makes to the list of places I love to visit and contribute.

Why post it here?


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sanaag”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 5 guests