Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ciyoon iyo Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha DFS G/Sanaag C/raxmaan Khaliif ayaa booqday mashaariic horumarineed oo ka socda magaalada Midigale ee G/Sanaag.
Masuuliyiinta ayaa ugu horayn kormeeray dhismaha Saldhiga Booliska oo meel fiican maraya , waxayna uga mahad celiyeen Senitor Siciido oo dhaqaalaha saldhiga lagu dhisayo bixisay .
Sidoo kale waxay booqdeen mashruuca Biyo xidheenka DHOOMO oo la dhamaystiray , magaaladana u jira ilaa 5km , kaasoo ay degaanka Midigale ka hirgelisey Wasaarada Degaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland .
Masuuliyiintan ayaa bulshada reer Midigale ku amaanay isku duubnida iyo dadaalkooda horumarineed ee ay ka wadaan degaankaas, waxayna u ballan qaadeen iney ku garab taagan yihiin himiladooda waxqabsi , iyagoo ku tilmaamay bulsho ku dayasho mudan.
Midigale Sanaag first Somali station in 30yrs is being built . Also water dam is being built by locals.
No idoor in sight